|

Wasiirka Xoolaha Somaliland oo ka Fal Celiyay Heshiis dhanka Xoolaha ah oo ay Wada Gaadheen Somalia iyo Masar DAAWO

Hargaysa 07.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland,  Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay suuqyo hor leh u raadinayaan xoolaha Somaliland kadib markii ay dagaalada Yemen saamayn ku yeesheen dhoofka xoolaha Somalilad.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inay suuqyo xoolaha Somaliland loo dhoofiyo ay ka raadinayaan wadamada  Thailand, Malaysia, Indonesia iyo meelo kale “Xooluhu kolay waa waxa kaliya ee aynu dibadda u dhoofinno, dagaalada Yemen waxay inagu yeelanaysaa saamayn dhaqaale oo guud, markaa In Shaa Allaahu waxaanu filaynaa in arrintaasi naga dhammaato si xoolaheenii inoogu gudbaan.

Waxa kale oo aanu ku talo jiraa inaanu helno suuqyo ka duwan Khaliijka, sida Malaysia, Thailand iyo Indonesia, waxaanu qorshaynaynaa inaanu xoolaha suuq uga raadino meelo kale oo aanan ku koobaan meel kaliya” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirkak xannaanada xoolaha Somaliland ayaa sidoo kale deedafeeyay  heshiis dekedda Berbera ku saabsan oo dhawaan dhex maray Xukumadda Muqdisho iyo Masar “wixii la isku odhan jiray Somalia wakhtigeedu wuu dhammaaday oo laba ummadood ama dawladood oo jaar ah ayaynu nahay, waddanna inuu ka kale sheegto maanta ma taagnin, taasina mid ay wax ka jiraan maaha, mid Somaliland khuseeyana maaha, wax Somaliland ogolaanayso iyo heshiis ay Masar la gashayna ma jiro, haddii Somalia sheegatay dee iyagay jirtaa oo halkan ma xukunto, Boosaaso, muqdisho iyo Kismaayo ha uga dhoofiso laakiin, halkan wadan jira weeye meel xamar looga taliyana maaha” ayuu yidhi Wasiir Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in muranka ka taagan macdanta laga qodayo Degaanka Siimoodi ee gobolka Awdal ay tahay arrin horumarineed oo aan cidna hor istaagayn, waxaanu sheegay inay tahay arrin sahlan oo la xallin doono.

 

Comments are closed