Wasiirka Wershadaha Oo 365 Kartoon Oo Caano Ah Ku Wareejiyay Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley Si Loo Gaadhsiiyo Dadka Abaaruhu usoo Barakiciyeen Gabiley
Gabiley 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxmed Muuse Ayaa Ku Wareejiyay 365 Kartoon Oo Caano Ah Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobalka Gabiley Mr Jimcaale Dahir Oo Isna Ku Wareejiyayay Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Degmada Wajaale Cabdilahi Xasan Samaale Shan Iyo Lixddan Kan Kartoon Ee Caanaha Oo Ah Gaar Ahaan Kuwa Lagu Talo Galay Caruurta Ayaa Ah Arrin Muhiima Oo Gacan Weynka Gaysan Doonta Dadka Ay Abaaruhu Sameeyen Ee U Baahan Taakulada Kuwaasi oo Ku Kala Filiqsan Deegaamada Gobolka Gabiley ee Ay Kusoo Hayaameen.
Gobalkan Gabiley Waxaa kusoo hayaamay dad Badan oo Ay Abaaruhu Soo barakiciyeen Waxaana Inoo Keentay Danta Waana inagu Waajib inaan ka Qayb qaadano Taakulo Kasta Noocay doontaba Ha Ahaatee Mana aha Waxtar weyn Balse Waa Dhiirigelin iyo inaanu Tusno Inaan La Qaybsanayno Dadkaas Walaalaheena Ah Dhibaatada Abaaraha ee Ay inoo yimi Waxaana Deeqdan Yari Wax ka Taraysaa Caruurta Yaryar oo Caano looga Dhigay”Ayuu Yidhi Wasiir Shucayb
Dhinaca Kale Maaha Markii Ugu Horeysay Ee Wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxmed Muuse Uu Gacan Ka Gaysto Dhinaca Abaaraha Ama Dadka Ku Soo Bara Kacay Gobalkan Gabiley Dhawaan Uubay Ahayd Markii Uu Gaadhsiyay Dadka Soo Barakacay Agab Kala Duwan Una Badan Busta Yaal Waxana Lagu Jiraa Wakhtigii Dhaxamaha
Wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxmed Muuse Oo Ka Mida Wasiirada Fara Kutiriska Ah Ee Da Yarta Ha Ee Ku Jira Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweune Axmed Maxmed Maxmuud ,Siilanyo,
Iskuduwaha Caafimaadka Ee Gobalka Gabiley Ayaa Uga Mahad Celiyay Wasiirka Deeqdan Canaha Oo Uu Sheegay In Ay Wax Weyn Ka Tari Doonta Nafaqada Dhinaca Caruurta Ugna Mahad Celiyay Wasiirka Warshadaha Somaliland .
Waxa Isna Sidoo Kale Ka Uga Mahad Celiyay Wasiirka Warshadaha Gargaarkan Uu Soo Gaadhsiiyaya Dadkiisa Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Wajaale Mr Cabdilahi Xasan Samaale Oo Ay Ka Mid Tahay Degmadiisu Meelaha La Gaadhsiin Doono Gargaarkan Bani Aadamnimo
Sido Kale Waxa Uu Wasirku Halkaa Ka Jeediyay Hadalo Muhiima Waxna Ka Kid Ahaa Hadaladisii,Waxan Maanta Halkan Ku Warejinayaa Saddex Boqol Iyo Lixdan Kartoon Oo Ha Caanaha Gaar Ka Ah Ee Loogu Talo Galay Caruurta Taas Aan Ku Wareejiyay Bahda Caafimaadka Oo Oo Uu Hormuud U Yahay Isuduwaha Caafimaadka Ee Gobalka Dr Jimcaale Iyo Xooghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Wajaale .