|

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta oo sii sagootiyey Afar arday, oo Dood aqooneed kaga qayb galaya dalka qatar.

Hargeysa 07.April 2016 (SDN/QJ):-Ardaydan oo ka kooban afar arday oo ka kala socda Dugsiyada Blooming School iyo Young Muslim Academy, ayaa waxa ay ka qayb gali doonaan tartan dood aqooneed luuqadda carabiga, oo ay ku tartamayaan arday ka kala socota wadamada Jaamacadda Carabta, tartankaasi oo ka dhici doona magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Wasiir C.laahi HabaneUgu horreyn agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarshada Somaliland oo halkasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay ardayda iyo halka ay u socdaan, isaga oo ardayda kula dardaarmay In ay guul wanaagsan ka soo hooyaan tartankaasi.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay maamulka iyo mulkiilaha dugsiyada Blooming Cali Axmed Maygaag iyo Saynab Cismaan Yuusuf oo ah Mulkiilaha dugsiyada Blooming. Iyo Maamulka Dugsiga kale ee isna ka qayb-galaya tartankani ee Young Muslim Academy Aadam Diiriye.

Dardaaranka ArdaydaUgu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare mudane Cabdillaah Maxamed Habbane, isagoo halkaasi kula sii dar-daarmay arday reer Somaliland ee tartankaasi ku matalaysa Dugsiyada Blooming iyo Young Muslim Academy oo dal ahaanna Somaliland matalaya.

Wasiir Habbane ayaa ardayda ku dhiiri galiyay inay halkaasi guul kaso hooyaan, isagoo kula sii dardaarmay in ay anshaxa iyo akhlaaqda dhowraaan oo ay magac wanaagsan kala soo noqdaan tartankaasi.

Waa markii labaad sannadkan gudihiisa, oo Arday ka socota Jamhuuriyadda Somaliland, ka qayb galaan tartan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabtu, iyadoo tartan kan ka horeeyey uu guul weyn ka soo hooyay Arday ka socday Somaliland oo ka qayb galay tartan aqooneed, kaas oo uu kaalinta koobaad ku guuleystay.

Comments are closed