Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Ka Qayb-galay Marti-qaad Qalinleydu Ugu Samaysay Hargeysa AKHRI/SAWIRO
Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa xalay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga qayb-galay casho-sharaf ay u sameeyeen bahda qalinleyda iyo hal-abuurka oo uu ahaa xubin ka mid ah, ka hor intii aan loo magacaabin jagada wasiirnimo 14kii Disember 2017ka.
Munaasibaddan waxa ka soo qayb-galay qoreyaal iyo abwaanno caan ah oo ay ka mid yihiin Qoraaga weyn ee Boobe Yuusuf Ducaale, Abwaan Yuusuf Cismaan, Cabdulle (Shaacir), Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Qoraa Xasan Cabdi Madar, Qoraa Xamda Maxamed Xuseen Cigaal, Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, Qoraa Mustafe Maxamed Khayrre iyo qalinley iyo hal-abuur kale.
Ugu horreyn qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin martiqaadka ay qalinleydu u samaysay wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta. Weedhihiisa waxa ka mid ahaa “Hore ayaa loo adeegsaday weedhaha bah, koox, urur IWM. Caawa waxa aanu leennahay halkan waxa joogo quruun isku xirfad ah oo diyaar u ah inay barbar istaagaan wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland”
Sidoo kale Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) ayaa isna madasha ka sheegay in ay sidii hore is-xilqaanka iyo waddaniyadda ahayd ay wasiirka cusub ula diyaaryihiin wada-shaqayn, taageero, talo iyo tilmaanba. Dhammaan xubnihii madasha ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Xamda Maxamed Xuseen Cigaal, Qoraa Saynab Xaaji Aadan iyo Qoraa Ilyaas Maxamed Xuseen ayaa sheegay sida ay ugu niyadsan yihiin marti-qaadkan loo sameeyay Wasiir Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo munaasibadda soo geba-gebeeyay u mahad-naqay bahda qalinleyda ee casuumaddan fidisay. Weedhihii uu halkaas wasiirku ka yidhi waxa ka mid ahaa“Farxad weyn ayay ii tahay in aan joogo madal ay igu marti-qadeen bahdii aan ka tirsanaa oo ka kooban dhammaan bulshada Somaliland, isla markaana aanan joogin goob ay beeshaydu igu marti-qaadday. Waan idiinka mahad-naqayaa sida fiican ee aad u abaabusheen golahan”.
Wasiir Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa xusay sida uu heeganka ugu yahay kobcinta, tayaynta iyo toosinta kaalinta uu qaranka ugu jiro iyo sida uu diyaarka ugu yahay in lagu garab-joogsado xilka uu ummadda iyo dalka u hayo. Guud ahaanna waxa munaasibadda lagu soo xidhay jawi farxadeed.