Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeer Ku Jooga Gobolka Sanaag iyo Ujeedada Socdaalkiisa
Maydh 28.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Mudane Cali Jaamac Bureed iyo madax kale ayaa Kormeer Shaqo waxay haatan ku joogaan Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag.
Wasiirka oo ay Socdaalkiisan ku Weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Xuseen ,Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxay Ujeedadiisu Salka ku haysaa Sidii uu Kalluumaysatada Deegaankaasi ugu qaybin lahaa qalab wax weyn ka taraya la soo bixida Kalluunka iyo sidii uu Jiidaasi uga heli lahaa Macluumaad dhab ah oo qorshaha waxqabad ee wasaaradiisa qayb ka noqda.
Weftiga Wasiirku markii ay Gaadheen Degmada Maydh waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Maayarka Degmada Maydh Xuseen Sh.C.raxmaan Sh.Siciid iyo dadweynaha ku dhaqan Degmadaas.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cali Jaamac Bureed waxaa uu uga Mahadceliyay Maamulka Heer Gobol iyo Mid Degmo iyo qaybaha bulshada ee Deegaankaasi sida Milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen .
Wasiirka Kalluumaysiga ayaa la filayaa inuu gaadho ilaa Magaalada Laasqoray.
Maydh SDN/QJ
contact@qurbejoog.com