Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu amaan mooye ma mudna aflagaado
Ciid mubaarik akhristayaasha dhamaantiin. Waxan halkan ugu jawaabaya warar beryahan danbe ka soconayay warbaahint dalka kuwaasoo ku lidi ah wasiirka Wasaarada macdanta iyo biyaha hawsha uu qabto. Horta waa marka hore ee qofka dooda dhiibanaya waa inuu ku hadla wax xaqiiqa ah oo la taabankaro, mida kale kuwa ninka khaldan u jawaabayana waxan u sheegaya in ninkaasi uu ku hadlay feker isaga ku kooban ee aanu cidkale metelin, waxana fiican kaasoo kale inan qiimo sidaas la siin.
Aan ku soo dhawaada , khaladaadka gefafka ah loo geystay Wasiirka wax ka mid ah iyadoo marka hore dantii guud la doonayo in dan gaara laga hore mariyo. Taasoo ah, arrinku wuxu ka socota niman ganacsade ah oo doonaya in ay biyo Burco geliyaan. Wadanku wuxu ku kala socda ismaqal iyo kala danbayn hadduu wasiirku yidhi shaqada wakaalada biyaha Burco way ku filantahay oo waxa loo qoday ceelal ku filan ee looma baahana shirkado dad khaasi leeyihin ma cid gaar ku khaldamay waa sharci la soo saaray. Sharcigana dadkoo dhan buu u simanyahay oo qofna kama sareeyo.
Inta markii ay dhacday Ganacsatadii lamay hadlin wasiirkii ee waxay isticmaaleen 14 xildhibaan iyo salaadiin si ay danahooda gaarka ah ugu fuliyaan. Halkaana waxan leeyahay waa nasiib daro in Xildhibaano iyo salaadiin loo doortay inay difaacaan dadka danyarta ah ay maanta u doodaan dad ganacsada ah oo danahooda khaaska ah u doodaya. Hadaba waxa muhiim ah in dadku gartaan in biyuhu ay yihiin waxa ugu muhiim san ee adeega bulshada kuwaasoo u baahan in dawladu gacanta ku hayso, waayo ninka ganacsadah ahi wixiisu maaha guarantee oo waqi kasta ayay istaagi karaan ganacsigiisu taasina dadka dani ugu ma jirto.
Hadaba wixii an la socon waxqabadaka wasaarada macdanta iyo biyaha oo ka hormoodyahay Wasiirku waxan halkan si kooban ugu fasilaya wixii ay qabteen oo dawladihi ka horeyay ku fashilmeen :
1) Waxuu wasiirku ka soo dhameeyay European Unionka lacag dhan ila 35 million Euro kuwaso magaalada Hargeisa oo balaadhatay iyo dalkaba biyo galinta loogu balaadhinaayo.
2) Berbera oo ka cabanjirtay biyo yaraan kana jiro kulayl badan waxa loo sameeyay ila dhawr ceel kuwaasoo loogu talagalay inay maxjarada iyo magaaladaba waraabiyaan.
3) Wuxu ku talaabsaday Wasiirku inuu ila hadda ka qodo dalka ila 30 ceel oo biyo ah, baliyadii (warano) dhawaan la bilaabi doono siduu qorshuhu yahay.
4) Wuxu wasiirka iyo Madaxweynaha wafdi uu hogaaminaya ku guulaysteen in ay ku qanciyaan dawladaha Imaaraadka iyo Kuwait inay ceelal iyo Biliyo badan ka caawiyaan dalkan si looga hortago biya la’antan jirta, taana hawshoodi way bilaabatay.
5) Waxa kale oo u qorshaysan in Biyaha roobka sanadkan 2013 la qabto oo loo sameeyo biyo xidheemo wawayn oo qabta biyaha.
6) Sool oo iyana laga wado barnaamujka, Borama ila saylacna laga qoday ceelal iyo ceergaabo oo ku jirta qorsha in loogu dhisaayo wakaalada biyaha.
7) Waxa markhati u doonta ah in wasiirku uu yahay nin aqoonyahan iyo hawlkar intaba. Taasina ay keentay in Warbaahinta Somaliland (Jaraaidka) ay ku daraan liiski wasiiradii ugu waxqabadka badna ee xukummadan Somaliland sanadkii hore.
Waxan hadalkayga ku soo gabagabaynaya , ninkaa waxaasoo hawl ah wadankiisa u qabtay in meelaha hadala aan haboonayn lagaga yidha ma istaahilo. Xildhibaanada iyo salaadiintana waxan leeyahy waar danta guud eega oo shacabkii idin doortay dantooda difaaca, haddii aad wax garanwaydaana ha tegina warbaahintee marka hore Xafiisyada dawlada arrinta ka hadlaysaan geeya, kana waan tooba in ay magaciina rag ganacsadayaal dantooda wataa ay idin isticmaalan. Ganacsatada waxan leeyahay sharcigani qofkast oo reer Somaliland wuu qabtay ee idinka maxa gaar idinka qaylisiiyay, haddii aad leedihin waxba naga khasaaray dawlada kala xaala sidii lagu maaraynlaha arrinta, maxaase idin diiday ganacsi kale sida warshadaha. Dadkana waxan leeyahay adeega bushada sida biyha iyo wixii la mid ah dawladaa idin fiican oo la isku halaynkara kana jabana ee dawladiina difaaca oo aamusina ninkii wax kuuqabanaya ayuunba la taageera ee maskaxda ka kora oo sidii casri jaahiligii ha u fekerina.
Qaliinkii
Adan Jama Kahin
Gudomiye Ku Xigeenka
Xisbiga Talada haye ee Kulmiye
ee UK.
Isla markaana ah Qoraa wax ku qora :
Wargeyska Maalinlaha ah Saxafi
Hargeysa , Somaliland.