Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti
Hargeysa Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa shan xubnood oo haween ah kana mid ah baarlamanka dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti oo booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa.
Waxa uu Wasiirku warbixin ka siiyay xubnaha weftigan hawlaha ay wasaaradani qaranka Somaliland uga mas’uulka tahay, Mudane Cabdi Siciid Faahiye waxa uu ka dalbaday madaxda dalka Jabuuti sidii ay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka uga gacan siin lahaayeen dib u dhis lagu sameeyo xarunta wasaaradan iyo garoomada lagu ciyaaro kubadaha kala duwan.
Dhinaca kale Hogaamiyaha weftigan Xildhibaan Caasha Maxamud rooble ayaa u mahadcelisay wasiirka wasaarada ciyaaraha waxa ay xildhibaanadu tilmaantay in socdaalkoodu uu salka ku hayo wax ka ogaanshaha xaalada ka jirta Somaliland iyo kobcinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti waxaanay intaas ku dartay in madaxda dawlada jabuuti ay gaadhsiin doonto wixii fariin ah ee xukuumada Somaliland si farto.
Wasiirka Ciyaaruhu waxa uu weftigan dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka socday hadhiimo sharafeed ugu sameeyay huteelka Maansor.
Qurbejoog-Hargeysa