|

Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha oo Furay Tababar ku Saabsan habka dejinta Miisaaniyadaha

Hargaysa 18.Fec.(SDN)   Wasiirka Ciyaaraha JSLand Mud, Cali siciid Raygal, ayaa manta  tababar socon doona muddo laba  maalmood ah, oo la xidhiidha habka dejinta miisaaniyadaha  uga furay Xildhibaano ka  kala socda Golayaasha degaanka,Hargeysa,Gabilay, Boorame iyo Saaxil  Huteel Maansoor  ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Ciyaaraha  Mud, Cali Siciid Raygal oo ugu horayn furitaanka shir-howledkaasi ka hadlay,Waxaa uu sheegay  inuu  ku  amaanayo  cidii iska xilsaartay una howlshay qabsoomidda tababarka. Waxaanuu wasiirku xusay, in cid kastaa marka ay howsha iyo masuuliyadda ku cusub tahay ay u baahan yihiin cid  tilmaamn iyo macluumaad aqooneedba u kordhisa.Waxaanuu wasiirku ugu duceeyey mudanayaasha  inuu ilaahay ku as-turo una fududeeyo xilka ay  qaadeen ee ay shacabkooda ugu adeegayaan.

Gudoomiyaha ururka  SONYO oo ah ururka isagu soo qaan qaabiyey shir-howleedka Mud,Mubaarik ismaaciil  Taani, ayaa  sharax ka bixiyey ujeedada  tababarkan  iyo wax uu ku salaysan yahay, waxaanuu xusay in tababarkani uu yahay midku saabsan qorshaynta hawlaha dawladaha hoose iyo habka  Miisaaniyadd loo dejiyo .waxaanuu tilmaamay  in tababarkani uu yahay mid muhimad weyn u leh  golayaasha degaanka  ee Cusub.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Ku xigeenka Maayirka Caasimada Hargeysa C/casiis maxamed Xaashi iyo Maayirka  Degmada Gabilay  shucayb Maxamed Muuse, waxaanay  uga mahadnaqeen  Ururka SONYO tababarkan ay soo abaabuleen, waxa kale oo ay xuseen in degaan ahaan ay aad ugu nasiib badan yihin degaankii  hore, maadaama aynu ku soo baxnay  doorasho oo shacabku ina soo doortay.

Waxa kale oo ay tilmaameen in dhalinyaradu  manta u badan tahay  Golayaasha degaanka ee la soo doortay, taasina ay tahay iyada oo mustaqbalkii dalka gacanta laga geliyey, sidaas darteedna laynooga baahan yahay sidii  aynu u xaqiijin lahayn wax-qabad dhab ah, iyada  oo ay sheegeen in ay ilaahay ka baryayaan inuu ilaahay ku asturo  xilka iyo waajibaadka  saran ee laga sugayo.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed