|

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Xarun Caafimaad oo laga Hirgaliyay Degmada Daarasalaam

Hargaysa 06.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka j s l  mudane saleebaan ciise axmed  [xaglo toosiye ]  ayaa maanta xadhiga ka jaray  m c h cusub oo laga hirgaliyay degmada daarasalaam ee gobolka hargaysa.

Xafladii loo  qabtay munaasibadii furitaanka  m c h  ayaa waxa kasoo qeyb galay isuduwaha caafimaadka gobolka maroodi jeex , sayid isamaciil xasan agaasimaha waaxda nafaqaynta wasaarada caafimaadka , dr cabdi rashiid maxamaed cali madaxa caafimaadka hayada ifad caasha cabdi sulub iyo ku isuduwe ku xigeenka hayada ifad  sulub cali amaan, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka md saleebaan ciise axmed xaglo toosiye oo u mahad celyay hayada ifad oo uu ku tilmaamay hayad si toos ah ula shaqaysa wasaarada caafimaadka isagoo intaa raaciyay in aanu dhsimahani ahayn kii u horeeyay ee hayada ifad ay dhisto  balse ay suuro galisay xarumo caafimaad oo hore, xarunta maanta la furayna ay suuro galisay dhismaha , dawooyinka iyo gaadhigii anbalaaska ahaa.

Wasiirku waxa uu sidoo kale hadalo dardaaran usoo jeediyay masuuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan degmada daarasalaam oo uu ku booriyay in ay ilaashadaan oo daryeelaan xaruntaasi caafimaad oo loo dhisay .

Isuduwaha caafimaadka gobolka maroodi jeex sayid ismaaciil xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladii caafimaad ee hore ee degmada daarsalaam isagoo sheegay in degmadu ay ka faa iidestay mashaariic horumarin caafimaad oo wasaaradu ay  kor ugu qaadaysay  guud ahaan caafiaamdka bulshada Somaliland taasoo degmdu ay nasiib u heshay in laga fuliyo adeegayada ay ka midka yihiin nafaqayanta  , shaqaaleyn caafimaad oo degmada laga hir galiyay iyo m c h hayada ifad ay ka hirgalisay waxaanu gabagbadii  u soo jeediyay in ay ka faa iideystaan xarunta caafimaad ee loo furay.

Gudoomiyaha degmada daarsalaam axmed ibraahim madar iyo xubno ka mida bulshada halkaasi ku dhaqan ayaa iyana hadalo mahad naq ah usoo jeediyay wasiirka wasaarada caafimaadka iyo hayada ifad  waxaanay  ka codsadeen wasaarada caafiomaadka in loo hawlgaliyo m c h ka deegaanka biyo shiinaha oo aan mudo sideed sano ah shaqayn .

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay isu duwe ku xigeenka hayada ifad sulub cali amaan oo sheegay in hayad ahaan ay la shaqeeyaan wasaarada caafimaadka islamrkaa ay wax ka qabtaan meesha ay wasaaradu usoo gudbiso in wax laga qabto,waxaanu intaa raaciyay in bulshada reer daarsalaam uu kula dar daarmayo in ay ilaashadaan xaruntaasi caafimaad oo ay kaga maarmaan socdaalkii ay ku tagi jireen hargaysa iyo bukaanadii ay safarka galin jireen.

Gabagbadii waxa halkaasi ka hadashay madaxa caafimaadka hayada ifad caasha cabdi sulub oo sheegtay in m c h loo qalabeeyay si heer sare islamrkaa ay hayadu u dhamays tirtay wax kastoo looga baahnaa adeeg caafimaad sidaa daraadeed ay kula dardaarmayso bulshada degmada in ay ku xidhnaadaan oo ka faa iideystaan xarunta caafimaad ee loo dhisay.

Wasiirka wasaarada caafimaadka ayaa geesta kale soo kormeeray m c h ka deegaanka biyo shiinaha  isagoo bulshada halkaasi ku dhaqan u balan qaaday in wasaarada caafimaadku ay sida uga dhakhsaha badan ay u hawl galin doonto.

Hargysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed