Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markuu soo dhamaystay shir uu kaga qayb galay Nairobi
Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Dalalka Saldanadda Cummaan iyo wadanka Kenya kaga soo qayb galay labo shirweyne oo caalami ah oo muhiimado gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka oo ay madaarka caalamiga ah ee Magaalada hargeysa ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa isagoo war fidiyeenada kula hadlayey Qolka VIP-da ee Gegida diyaaradaha ee Egal Intranational Airport waxa uu sheegay inuu Magaalada Masqat ee Saldanada Cummaan kaga qayb galay shirweyne lagaga hadlayey sidii waddan waliba dadkiisa u gaadhsiin lahaa adeegga caafimaad, shirkaas oo ay ku kulmeen ergooyin ka kala socday labo iyo labaatan wadan oo ku yaalla mandaqadda bariga iyo badhtamaha Gobolka.
Dr saleebaan Ciise waxa uu sheegay in Shirkaa laga soo saaray waxyaabo badan oo dan u ah bulshada gobolka, gaar ahaana dalkan Somaliland ay faa’iido badani ugu jirtay shirkaas oo lagu ballanqaaday in Somaliland laga caawiyo dhamaystirka iyo gudbinta adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan tahay
Dhanka kalena wasiirka wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay in Magaalada Nairobi uu kaga soo qayb galay shirweyne kale oo ay isugu yimaadeen wakiilo ka socday wadamada deeqaha bixiya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, shirkaas oo lagaga wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha caafimaad ee laga wado Somaliland,
Dr Saleebaan Ciise waxa uu caddeeyey in shirka Nairobi lagu ansixiyey dhaqaalahii lagu fulin lahaa shaqada caafimaad ee Somaliland laga taageerayo mudada labada sano ah ee soo socota.
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com