Wasiirka Wasaarada Beeraha oo Canaan Xoogan u Jeediyay Hay’adaha ka Shaqeeya Arrimaha La Dagaalanka Ayaxa
Boorama 30.Jan 2014 (SDN)-Wasiirka wasaarada Beeraha somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo wafti uu hogaaminayo oo Hawlo shaqo ku joogay xeebaha Galbeed ee somaliland ayaa maanta gaadhay degmooyinka Lughaya ,Garbo Dadar,iyo Deeeganada Hoos yimaada.
Waftigan uu wasiirku hogaaminayay ayaa waxa y soo mareen deegaanada Saylac halkaasi oo ay u kuur galayeen Ayax dhowaan Ku Habsaday Deegaanada gobolkaasi ka tirsan
Wasiirka wasaarada beeraha somaliland waxa uu sheegay in xiligan dhulku rays yahay oo ayaxaa uu hada beerayay dilaaci doono hadhaw .
Wasiirka aya dhaliilay hay’ada shaqada ku leh Wax qabashada Ayaxa kuwasi oo ka dhago adaygay in si haboon wax uga qabtaan dhibaatadada Taban ee uu Ayaxani ku yeeshay Dadka ku dhaqan Deegaanadaasi oo u badan Beeralay.
Ayaxaasina waxa uu waxyeelo gaadhsiin doonaa deegaanada jaarkeena,waxannu hada ku badan yahay deegaanada Xeebaha Saylac .
Sidoo kale waftigu waxay hore u soo mareen deegaanada badan oo waqooyiga ah kuwaasi ay ka soo hirgaliyeen abuurida timirta taasi oo ay wasaarada Beeraha oo taageero ka helaysa Hayada GIZ oo ka wadaan deegaankaasi,halkaasi oo la soo calaamadiyay meelihii ku haboonaa ee lagu beerilaha timirta.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com