|

Wasiirka Warshadaha Somaliland oo beeniyay inuu iska Casilayo Xilka Wasaaradaasi,iyo Mashaaric Wasaaradiisu fulinayso {DHAGAYSO}

Hargaysa 06.Nov 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacd” ayaa maanta ka waramay Mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono dalka .

Wasiirka Wershaduhu Waxaa kale oo uu Beeniyay Warar Sheegayay inuu iska Casilayo Xilka Wasaaradaasi isagoo ka mid ah Garabka uu Hogaamiyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis  Maxamed Samaale oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay Madaxweyne Siilaanyo oo ka dalbaday inuu isaga hadho tartamka Murashaxnimo ee Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye taas oo Wasiir Samaalena uu ku gacan saydhay isla markaana qaatay go’aan uu isaga casilayo ka mid ahaanshaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Wasiirka Wershadaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AbiibWersh6.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed