|

Wasiirka WarfaafintaSomaliland:Ha’yadaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilka Axmed-Seki geystay

Hargeysa Oct 24,2012(SDN)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur(Timocad) ayaa wa uu maanta ka soo saaray ku canbaareeyay dil xalay loogu geystay mahaalada Laascaanood wariye Axmed Seki Faarax.

Wariyaha oo ka tirsanaa TVga Universal ayaa waxa toogasho ku dilay rag afka soo duubtay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa qoraalka uu ka soo saaray dilka u dhignaa sidan;“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay tacsiyadeynaysaa Qoyskii, qaraabaddii iyo dhammaanba bahda warbaahinta gaar ahaanna TV-ga Universal ee uu u shaqaynayay Marxuum-Axmed Saki Faarax oo xalay lagu dilay Magaaladda Laascaanood. Xukuumadda Somaliland waxay cambaareynaysaa falkaasi foosha xun, iyadoo qarankani aanu u dul qaadan doonin falalka noocan oo kale ah oo ugub ku ah dalkan. Ha’yadaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilkaasi geystay.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed