|

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Muxuu Ka Yidhi Inuu Afduubay Suldaan Somaliland Ka Soo Jeeda?

Muqdisho 30. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ay garbihiisa fadhiyeen Xubno sheegtay inay yihiin Salaaddiin ka soo jeeda Beelaha Somaliland ee Wasiirka laftiisu ka soo jeedo, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin inuu Afduubay Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo shalay lagu xidhay Xarunta Nabad-sugidda ee Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir MaareeyeWarbaahinta qaarkeed ayaa faafisay in Suldaan Faarax Maxamuud lagu xidhay amar uu bixiyey Wasiir Maareeye, ka dib markii sida uu sheegay Boqor Maxamed Jaamac Dalmar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka soo xulaya Ergooyinka Beelaha Somaliland ee Xildhibaannada wax ka dooranaya, kaasoo sheegay in Gurigiisa oo uu degganaa Suldaanku isagoo ka sii baxaya la xidhay, isla markaana isaga laftiisa jugo ay u gaysteen Ciidanka Nabad-sugiddu markii ay qabanayeen Suldaan Faarax.
Balse Wasiir Maareeye Xayir iyo Xubno Salaaddiin ah oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa meesha ka saaray xadhiggaas uu Boqor Maxamed ugu yeedhay inay u arkaan in la afduubay Suldaanka, waxaanu Maareeye oo ka hadlayaa yidhi; “Waxa jira warar kutidhi-kuteen ah iyo been ah oo maanta (Shalay) dad dano gaar ah leh oo ah dad la siyaasadeeyey oo doonaya inay samcad dilaan madaxda gaar ahaan anniga oo ay leeyihiin Suldaan buu waxyeelay oo aanay waxba ka jirin oo sidaa ayuu Suldaanku u yimi. Wararkaas oo ah warar been abuur ah oo aan sal iyo raadtoonna lahayn. Marka taas baannu ugu talla-galay in aannu ka jawaabno.”
“Hay’adaha sharciga waxaannu ka codsanaynaa in dadka doonaya inay wax u dhimaan sumcadda dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed inay tallaabo ka qaadaan, oo hadda Suldaankii la sheegayay uu xor yahay, oo wax annaga noo dhexeeya aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maareeye.
Sidoo kale, Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo ah Suldaanka la xidhay, balse heshiis iyo wax kala qaadasho la sheegay inay isaga iyo Maareeye oo u ololaynaya in Xasan Sheekh Maxamuud mar kale Madaxweyne loo doortay dhex-martay ka dib uu ku soo daayey Suldaanka, ayaa garab-fadhiyey marka uu hadlay, waxaanu Suldaankaas markii la soo daayey laga hadashiiyey sheegay, inaan cid xidhayba jirin.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa in aanay jirin wax khilaaf ah oo naga dhexeeya Aniga iyo Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa warar kutidhi-kuteen ah oo suuqa la jiidayo (in lay xidhay) in aanay ahayn kuwo wax ka jiraan, Ergada Beeshana aannu hore isugu waafaqnay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Faarax Maxamuud.

Comments are closed