|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Maanta Markii u Horaysay ka hadlay Idaacad Fm ah oo Hargaysa ka Hadasha

Hargaysa 06.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wacyigalinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse),ayaa  Ka hadlay Idaacad cusub oo FM oo laga maqlay Hargeysa isla markaana uu masuuliyadda ka warkeenista Idaacad la sheegay in ay maalmihii ugu dambaysay ka hadaysay Hargeysa oo FM ah waxaa uu ku riixay ciidanmmadda ammaanka oo uu sheegay in ay lagama maarnaan tahay in ay ciidanka ammaanku doonaan oo ay soo helaan idaacadda la sheegay in laga dhegaystay Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaa kaloo uu sheegay in aamu Wasiir Ahaan wali isagu maqal idaacadaas isla markaana aanay ahayn idaacad xoog leh oo meelo badan laga maqlayo,waxaanu intaa ku daray in ay ciidanka ammaanka farayaan in ay idaacadaas ka war keenaan oo ay soo helaan.

“ Idaacaddaas dhawr qof baan ka maqlay laakiin, maaha Idaacad weyn oo Muhiim ah oo meelo fara badan laga maqlay, waa Idaacad xaafado ka mid ah Hargeysa uun laga maqlay sida la ii sheegay.baadhisteeda iyo daba galkeeduna wuxuu u yaalaa Ciidamada Amaanka, waad Ogtihiin oo haddii Idaacad noocaas oo kale ah meelahan lala dhuun-dhuunto waxaa suuro gal ah in Cadawguna midn a dhuun-dhuunto, sidaas awgeed ayaanu uga digaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed