Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Kulan la qaatay Hawl wadeenada Wasaaradiisa
Hargaysa 10.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi gelinta MudaneCabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa maanta kulan uu la yeeshay shaqaalaha Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta ku booriyey inay xoojiyaan doorka wacyigelineed ee arimaha horumarinta Bulshada.
Wasiirku kulankaasi waxa uu bahda Fanka ee ka hawl gasha Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta oo isugu jira Abwaaniin Fanaaniin iyo qaybaha kale ee Fanka, waxa uu ujeediyey in ay dardar galiyaan doorka ay ku leeyihiin Wacyigelinta bulshada ee arimaha la xidhiidha baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan iyo kuwa ka hortaga u baahan ee ay ka mid yihiin Waxsoosaarka, Waxbarashada, Cadaaladda Dhaqan Xumada, Tahriibta, Cudurada Halistaa ee saameeya caafimaadka iyo arimaha la halmaala.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu kulankaasi ku xusay doorka fanku ku leeyahay buslshada dhexdeeda iyo sida uu uga qeyb qaato Toosinta iyo Tusaalaha danta guud, waxana wasiirku balan qaaday in uu gacan buuxda ku siin doono ka midha dhalinta ujeedooyinka waxqabad ee ay ka duulayaan shaqaalaha Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, si looga midha dhaliyo ujeedooyinka guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta.
Kulankan waxa Wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Hargaysa SDN,
Qurbejoog.com