|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cukuse oo Jawaab adag ka Bixiyey in Somaliland qayb ka tahay Nidaamka 4.5 DAAWO

Hargaysa 30.Jan 2016 (SDN/QJ):- Saxaafadda Somaliland ayaa maanta su’aalo ka weydiisay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL mowqifka JSL ee ku aaddan shirkii Kooxaha Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya ugu qabsoomay Magaalada Muqdisho

Wasiir Cukuse waxaa uu carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland iyo somaliya midoobeen balse Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay markale 1991kii.
Wasiir Cukuse oo arrimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi “Mawqifka Somaliland waa uu cadyahay shirkaasi waxaa la yidhaahdaa shirka wadatashiga arrimaha somaaliya, Maaha shir khuseeya Jamhuuriyada Somaliland,waa wax ay kaga tashanayaan dantooda , doorashooyinkooda iyo dawladnimadooda”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu ka sheekeeyay midowgii dawlada Somaliland iyo somaliya ee 1960kii iyo dib u xoreyntii Somaliland “1960kii 26 June, ayay mustacmaradii Ingiriiska Somaliland ka qaadatay xornimadeeda, xiligaa waxaa xukumay dadkaasi Muqdisho Mustacmarkii Talyaaniga, may madaxbanaanayn dawlada may aheyn, 1960 ,1 ,July ayay qaateen madaxbanaanidooda, laabla’ kicii iyo caadifadii markaa jirtay ayay reer Somaliland go’aansadeen in la sameeyo wax la yidhaahdo Jamhuuriyad somaaliyeed, Axdigii midowgii 1960 waxaa ka dhalatay Jamhuuriyadii Somaaliyeed, Somaliland waxay qayb ka aheyd Jamhuuriyadaa Somaliyeed, waxan imika la sheegayo ee somaliya la yidhaa waligay kamaanaan mid noqon, Somaliya ta Muqdisho xukunta ayaa la yidhaa, markay Hargeysa iyo Muqdisho midoobeena waxaa la odhan jiray Jamhuuriyadii Somaliyeed.”ayuu yidhi Mudane Cukuse waxaanu intaasi ku daray “1991kii ayay markale Jamhuuriyada Somaliland dib u dhalatay, waxaanay yeelatay sifooyinka iyo astaamaha dawladnimada looga baahanyahay oo dhan, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku dhisantahay rabitaan shacbiga Somaliland, waxaa ay leedahay dawlad kaamila, waxay leedahay Baarlamaan, waxay leedahay calan u gaara, waxay leedahay dastuur u gaara, waxaa ka dhaca doorashooyin Hal qof iyo hal cod ah”.
Wasiir Cukuse waxaa kale oo Somaliya Ilaahay uga  baryey  Nabad iyo dawlad Wanaagsan si geeska Afrika ugu naaloodo Nabad iyo Barwaaqo waxaanu yidhi “Waanu u duceynaynaa marka ay shirayaan inay nabadi ka dhalato oo aanu noqono laba dawladood oo aanu jaarnahay, waayo? Nabadgaliyadayada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhisan inay mandaqada oo dhami ku dhisnaato Nabad”

Comments are closed