Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Muqdisho ka Mamnuucay Gaadiidka Bajaajta,Gadoodka Shacabka iyo Farshaxan Amiin Caamir DAAWO
Muqdisho 12.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta ee Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Shaaciyey inay go’aansadeen in Magaalada Muqdisho aanay ka shaqayn gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu qabo in Magaalada Muqdisho laga Mamnuuco Mootooyinka loo yaqaan Bajaajka ee sanadihii dambe ku soo badanayay Magaalada Muqdisho qeybna ka qaatay hormarka Muqdisho iyo Shaqo Abuur ay ka heleen Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in Mootooyinkaasi ay wax u dhimayaan Bilicda Magaalada Muqdisho,balse loo baahan yahay si aysan wax ugu dhimin Bilicda in loo Cayimo Meelo gaar ah.
hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka soo horjeestay Wadeyaasha Mooto Bajaajka iyo qaar ka mid ah Shacabka Raaca Mootooyinkasi.