|

Wasiirka Warfaafinta oo Xog Waran ku Saabsan Hawlaha Wasaarada Warfaafinta ka hor jeediyay Fadhigii Golaha Guurtida

Hargaysa 19.Feb (SDN)     Fadhigii Maanta ee Golaa Guurtida Somaliland ayaa Xogwaran ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Abiib Diiriye Nuur .

wasiirku waxuu golaha warbixinka siiyey waxqabadka wasaaradda warfaafinta iyo mas’uuliyadda ay u xilsaaran yihiin waaxyaheeda kala duwan, isagoo Sheegay in Wasaaradu u Xilsaaran tahay inay Bulshada u gudbiso Xogaha ay u baahan yihiin,Waxa uu Wasiirku faahfaahin ka bixiyey awooda Warlaliyaha Weyn ee Radio Hargaysa oo laga dhagaysto Guud ahaan Somaliland iyo Wadamada Mandaqada iyo kuwa Caalamka kale ah.

Sidoo  kale Waxa uu Wasiirku  sheegay in TV-ga Qaranku ka haqab tiray dadweynaha dalka dibadiisa ku nool wararka iyo xaaladaha horumarineed ee dalka ka socda iyadoo xarumo uu leeyahayna laga furay dalal badan oo dunida ah.

Wasiirka oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md cabdirashiid jibriil Yuuusf iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda ayaa agaasimaha guud waxa uu ka jawaabay su’aalo ay mudanaaayshu ka weydiiyeen hawlaha Wasaarada , isagoo Sharaxaad ka bixiyay barnaamijyada iyo Wararka kala duwan ee laga baahiyo Idaacadda iyo Telefishanka qaranka.

Waa Markii u horaysay ee Wasiirka Wasaarada Warfaafintu uu hor tago Golaha Guurtida tan iyo Mudadii uu Xilka Wasaarada Warfaafinta hayay.
Hargaysa SDN.

Comments are closed