|

Wasiirka Warfaafinta oo Xilkii ka qaaday Madaxii Wararka ee Telefishanka qaranka,Magacaabayna Mas’uul cusub iyo sababaha Xil ka qaadista

cukuseHargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Shaqadii ka fadhiisayay Madaxii wararka ee Telefishanka qaranka Xamse Cali Bul bul kadib markii uu amar diido kala hor yimid wasiirka .

Wasiirka warfaafinta ayaa Xilka u Magacaabay Maxamed Siciid Muxumed oo hore u ahaa agaasimihii hore ee Idaacada haatana ku magacawnaa la taliyaha wasiirka warfaafinta .

Sababta Xilka kaqaadista Madaxa wararka ayaa ka danbaysay kadib markii uu habeenkii xalay ka joojiyay Telefishanka war ku saabsanaa Munaasibad balaadhan oo si rasmiya loogu furay Shirkada maaalgashiga kalluumaysiga ee Pontus Marine oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa,Isla markaana ay ka qayb galeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo xubno ka tirtsan golaha wasiirada, masuuliyiinta shirkada, Ganacsato, Culimo-awdiin iyo marti-sharaf kale oo kala duwan.

Wasiirka warfaafinta ayaa la sheegay inuu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxa Wararka ee SLNTV Xamse Cali Bul bul kuna amaray inuu Warkaas baahiyo hasa yeeshee uu Mas’uulkani wasiirka ku wargaliyay in warkani yahay mid Lacag laga qaado maadaama uu shirkad gaar ah yahay arrintaas ayaa ka cadhaysiisay wasiir cukuse oo aan ogayn in Wararka ka baxa Telefishanku ay yihiin kuwo lacag laga qaado isla markaana aan ku dhicin Khasnada dawlada.

Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo hore digreeto uu soo saaray ku madax banaaneeyay Telefishanka qaranka marka laga reebo in Maareeyaha Guud oo Madaxweynuhu magacaabo uu wixii warbixin ah si joogto ah u siiyo Wasiirka warfaafinta amase mas’uulka uu u igmado ayaan la ogayn talaabada uu Maareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas oo haatan ku sugan dalka Ingiriisku kaga falcelin doono amarka uu wasiirkiisu xilkii kaga qaaday madaxii wararka ee SLNTV.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed