Wasiirka Warfaafinta oo wax laga xumaado ku tilmaamay tiro Wariyeyaal u xidhan Ahlusuna.Waljameeca
Muqdisho 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xidho wariyeyaal gudanaya waajibaadkooda shaqo , isagoo baaq u diray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna.
Mr Maareeye ayaa ugu baaqay Ahlusuna in Wariyeyaasha u xidhan inay si shuruud la’aan ku sii daayaan, isla markaana aanay habooneyn wariye dadkiisa iyo dalkiisa u adeegaya in lagu xadgudbo.wasiirka oo arrimahaaska hadlaya ayaa yidhi“Waa arrin aanan habooneyn in xadgudub loo geysto wariyaasha wixii qaldan waa la isla ogaanayaa laakiin ma ahan in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa shaqo ee loo Igmaday, Ahlusunna waxaan leeyahay ha sii daayaan Wariyaasha”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta mudane Maareeye ayaa sheegay in waajibka qofka wariyaha uu yahay in si xoriyad ah uu u soo gudbiyo xogta muhiimka ah ee ka jira dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoo aan lagu xadgudueyn xoriyada hadalka.
Ahlusuna ayaa maanta sidoo kale xidhay gabadh Saxafiyad ah oo lagu magacaabo Nafiso Xirsi Maxamuud, iyadoo tirada wariyeyaasha la xiray 24-kii saac ee la soo dhaafay ay noqoneyso wariye oo labadii maalmood ee u dambeeyay lagu xiray deegaanada ay maamulaan Ahlusuna.
Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa amaro ku soo rogay Wariyeyaasha ka howl gala Gobollada Dhexe, iyagoo ku eedeeyay in ay u hogaansami waayay amaro ay siiyeen.