Wasiirka Warfaafinta oo si Mas’uuliyadi ku Jirto ula hadlay Shaqaale Weynaha Wasaarada Warfaafinta Cadeeyayna in Wixii Tabasho ah la dhamayn doono
Hargaysa 09.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed daahir Cukuse ayaa maanta shir balaadhan oo waano iyo wax isu sheeg ahaa la qaatay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta
Md Cukuse waxa uu Kulankaa ka sheegay inuu Diyar u yahay in uu wax ka qabto waxyaabaha ay shaqaalaha qaarkood tabanayaan xuquuqdooda shaqo iyo tooda dakhli lama huraan-na tahay inay sinnaato qayb kasta oo isku derejo ah.
Wasiirka oo ka hadlay xiisadii yarayd ee maalmahan ka taagnayd wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay inuu ka xumaaday Waxyaabahii ka dhacayey xerada wasaaradda mudadii labada maalmood ahayd ee u dambaysayee uu ku maqnaa Dhanka Itoobiya isagoo wasiirku ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha JSL ee ka qayb galay xuskii sideedaad ee Qowmiyadaha Itoobiya oo sanadkan lagu martigeliyey Dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya,
Dhanka kalena wasiirku waxa uu sheegay in aanu jeclaysan waxyaabahii lagu baahinayey jaraa’idka isagoo ku tilmaamay wasaaradda hal qoys oo meel gaar ah degan isla markaana leh arimo u gaar ah oo gudahooda ah
ugu dambayntiina wasiirku waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradda inay ilaaliyaan anshaxa isla markaana xiisadda taagan laga war sugo inta la dhamaynayo, lana xafido meeqaamka ay leedahay xerada wasaaradda warfaafinta oo ah meeshii laga wacyigelinayey bulshada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com