|

Wasiirka Warfaafinta oo ka dhabeeyay inaanu Taageerin Murashaxnimadda Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa Saylici Iyo Jawigii Madasha

Hargaysa 10.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta ka dhabeeyay balan uu hore ugu qaaday Saaxiibadiisii Wasiirada ahaa ee iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

cukuse oo diidayWasiir Cukuse oo barbar fadhiya Madaxweyne Siilaanyo isla markaana ka qayb galay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Waxa Codkiisa ku diiday Murashaxnimadda Madaxweyne ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Waxaa Sidoo kale uu Codkiisa u diiday Madaxweyne ku Xigeenka oo u taagnaa mar labaad Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka soo socda Isagoo si Buuxda u Taageeray Murashaxa laga adkaaday ee Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo u Sharaxnaa Murashaxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka Madaxtinimo.
cukuse oo ka aamusayC.laahi Cukuse ayaa hore Saaxiibadii ugu balan qaaday inuu Codkiisa Marin doono halkii ay isla ogaayeen.

Sawirkii Wasiir Cabdilaahi Cukuse ee kamaraduhu qabteen, waxa uu ahaa sawirkii ugu xamaasadda kululaa ee ka soo dhex baxay maanta furitaankii shirka shanaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE. Sawirkan waxa aad loogu falan-qeeyay barta dadweynuhu ku xidhiidhaan ee Face-book-ga. Iyadoo dadweynihii ra’yigooda ka dhiibtay ay qaar badani ku sifeeyeen Wasiir mabda’ iyo arragti leh isla markaana tahli kara inuu difaaco waxa uu aaminsan yahay isagoo aan cidna ka baqaynin.

Halka dad kalena ay aaminsanaayeen inay tahay tallaabo khalad ah inuu ka leexdo go’aanka xukuumadda Somaliland ku dhisayso Murrashaxnimadda Muuse Biixi .

Waxase dadkii arrintan faaqiday dhammaantood ay ka midaysnaayeen in tallaabadani ay ka turjumayso heerka dimuqraadiyadda Somaliland gaadhay in qof kastaaba uu fikirkiisa shakhsiga ah ku salaynayo  kala xulashadda murrashaxiinta xisbiyadda qaranka.

cukuse oo muuse diiday

Bal eeg sida uu 4-tii Bishan uu Wasiir Cabdilaahi Cukuse uga hadlay tartanka doorashadda Xisbiga KULMIYE dhexdiisa.“Dad badan oo halkan fadhiya ayaan  arkayaa oo is leh Cabdillaahina ma Madaxtooyadda ayuu ka mid ahaa,, Haa oo ka mid baan ahaa, ka midna waan ahaanayaa, waxa aan tilmaamayaa shantii sannadood ee la soo dhaafay oo Madaxwayne Siilaanyo uu tallada dalka hayay,  Xirsi waxa uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda, anigu waxa aan ahaa afhayeenka madaxtooyadda oo waanu wada shaqaynaynayba, marna waxaan ahaa Wasiir ku xigeen iyo Wasiirka wasaaradda Warfaafinta oo aan ka shaqaynayay, laakiin maanaan kala fogayn, waxaanu ahayn rag saaxiiba ah oo dadka isugu dhow, had iyo jeerna Madaxtooyadda dadka kula sugnaa ayaan ka mid ahaa, waxaan qirayaa in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu lixdaa Sannadood ahaa Nin af gaaban, karti badan, si sharaf lehna u soo shaqeeyay,”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray  “Waxa kale oo aan qirayaa in Maxamuud Xaashi ahaa qof karti badan oo lixdaa sannadood ka soo shaqynayay Xukuumadda oo ahaa Wasiirkii Duulista, haddana lixdaa sannadoodba waxa uu kamid ahaa bud-dhigayaasha Madaxtooyadda, waxa uu ahaa nin adag oo karti badan oo sidaa uu uga soo shaqeeyay Duulista iyo  sidaa uu Xirsi uga soo shaqeeyay  Madaxtooyada, waxa ay ahaayeen laba nin oo muuqda oo la arki karayay ayaan u qiraynaa.”

“Waxaan filayaa inay noqonayso inaan halkaa We    wer-wer ku jirin, isla markaana  ammaan iyo sharaf badani soo kordhi doonto ayaan rejaynaya, aniguna sidii aan Xirsi saaxiibka ula ahaa ayaan Maxamud Xaashina Saaxiib ula noqonayaa, Xirsina Dibadda ayaanu Saaxiib ku ahaanaynaa, waxa aanu la shaqaynaynaa Axmed Maxamed Maxmamuud Siilaanyo sida uu noo igmaday,”Ayuu intaas raaciyay Wasiirku.

 

“Xirsi iyo Saaxiibadiii kale ee faraha badnaa ee Xukuumadda ka baxay, dhammaantood waxay ahaayeen saaxiibaday, dabadeed su’aasha iigu badan ee Emailkayga buuxisay, Telefoonka  igu dishay waxa ay ahayd Maxaad Saaxiibadaa uga hadhay? Saaxiibaday waxa aanu isku ogayn inaanu foodka dhinac qudha u wada ridno, marka shirka golaha dhexe  la gaadho  ee murrashaxiintu yimaadaan.

Imikana Foodka dhinacoodii uun baan u ridayaa, laakiin waxa aan la shaqaynayaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inta uu xilka hayo. Axmed Siilaanyo aniga wuu i magacaabay, wuu i sharfay, isagaan xaqaa lahaa inuu ii magacaabo xilka, waxaa kale oo uu leeyahay in uu xilka iga qaado labadaba, aniguna xaqa aan lahaa ee ahaa inaan xilka ka tago Axmed Siilaanyo waan kala xishooday,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu.

Comments are closed