Wasiirka Warfaafinta oo Dhaliil Xoogan u Soo Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid kana hadlay Kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia {DHAGAYSO}
Hargaysa 13.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa ka hadlay Maanta Nasiib Daro ku tilmaamay Kulankii Ingiriiska ku dhex maray Madaxweynaha Somalia iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid .
Wasiirka oo Xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlayay ayaa Sheegay in inkasta oo faysal Cali Waraabe uu ku adag yahay hadana waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Ucid aanu awood distoori ah u lahayn inuu kulamo noocaas ah la yeesho madaxda Somalia,Waxa uu Abiib Diiriye Nuur Intaas ku daray In Somaliland ay hore u cadaysay inaanay ka qayb galayn Shirkii ka dhacay Magaalada London 7 bishan May.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/TIMOCAD13(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com