Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo oo Badka Soo Dhigey Cidda Cadowga Ku ah Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland DAAWO
Laascaanood 25. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo oo ka hadlaayey madal lagu soo dhaweynaayey heshiiskii Maamulka Khaatumo iyo Somaliland, ayaa soo bandhigay cidda cadowga ku ah heshiiskaasi ee ka soo horjeeda isaga oo si gaara farta ugu fiiqey dawladda Somaliya iyo maamul goballeedadeeda oo uu sheegay in ay khatar ku yihiin heshiiskaasi.