|

Wasiirka Warfaafinta iyo Xildhibaanno dalka dib ugu soo laabtay

Hargeysa, 07, Mar 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Sahrci dejinta oo ka mid ahaa weftigii dhawaan Somaliland uga qaybgalay Shirkii magaalada London loogu qabtay Soomaalida ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka iyo xubnaha uu hogaaminayay oo dalka ka soo galay dhinaca xuduudka Itoobiya iyo Somaliland waxa halkaas kaga hortagey Taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta oo saxaafada kula hadlay magaalada Wajaale ayaa ka hadlay shirkii ay dhawaan kaga qaybgaleen magaalada London, isagoo xusay in shirkaas ay Somaliland guul kala so hoyatay , waxaanu xusay in midhihii ka soo baxay ay Somaliland ka caawinayaan maslaxadeeda iyo qarannimadeeda.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed