Wasiirka Warfaafinta Dawlada Somalia oo Sheegtay inuu Isagu Xayiraadii ka qaaday Telefishanka HCTV kadib Markii Shirkada Thaicom 5 Hawada ka saartay Akhri
Muqisho 01.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Sattelite-ka Thaicom 5 waxa uu qoray warqadii uu Thaicom 5 hawada dib ugu soo celiyey Telefishanka HCTV oo muddo todobada cisho ah hawadiisa uu ka saaray.
Warqadan oo warbaahintu heshay oo Ku Qoran luuqada Ingiriisiga ayaa Xambaarsanayd codsi iyo cabasho uu wasiir Maareeye u gudbiyey Thaicom 5 taasi uu kuu sheegayo in HCTV uu maamul ahaan hoos yimaado xukuumadda federaalka gaar ahaana wasaaradiisa warfaafinta sidaasi darteedna uu yahay TV xuquuq shaqo ku leh wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
Qoraalkan waxa uu u dhignaa sidan :
“anaga oo tixraacayna warqada taariikhaysan June15, 2016 ee taasi oo qeexaysa casbahada iyo eedaynta xoogan ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia uu kaga soo horjeedo HCTV kuna codsanayso in HCTV ay shirkada Thaicom 5 hawada ka saartay marka hore waa in aanu shirkadiina arrintaasi ka xaqiijino.
HCTV waa shirkad warbaahineed oo gaar loo leeyahay diiwaangashan kuna shaqaysa sharciga u yaalla wasaarada warfaafint ee dawlada federaalka ee Soomaaliy.
Shirkad kasta oo ka aasasan gobolada kala duwan ee maamulada dalka/Soomaaliya sida Soomaaliland taasi oo u sharciyeysan dawlada federaalka Soomaaliya waxa lagu maamulaa sharci iyo heerka anshax ee u yaalla xirfad-yahanimada ka jira Soomaaliya.
Wasaarada ahaan in hawada laga saaray HTCV waxaanun ka war-helnay dhawaan balse waxaanu rajaynay cabashadan oo kale in ay nagu soo wargeliso dawlada dhexe ee Ethiopia, manay ahayn in ay arrintaasi ku dhaqaaqdo maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia.
Waxa nasiib darro ah in maamul goboleed uu isagu warqad idin soo qoro taasina ay horseedo inaad hawada ka saartaan HCTV.
Haddii aanu nahay dawlada Soomaaliya waxaa asaas noo ah xoriyada saxaafada iyo hadalka waanaanu ballanqaadnay arrintaasi muna duqaadanayno oo aanu ka soo horjeednaa tallaabo kasta oo lagu mijo-xaabinayo nabadda , deganaashiiyaha gobolka iyo waxii kicin ku keenaya bulshada geeska wada degan .
Arrinta hawo ka saarinta HCTV waanu baadhanynaa waxaanu horgeynaynaa sharciyada saxaafada iyo xirfad anaga oo kaashanayna dawlada federaalka ee Ethiopia.
Hadaba waxaanu shirkada Thiacom 5 ka codsanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay hawada dib ugu soo celiso telefishanka HCTV si uu u sii wado adeegyadii uu siin jiray bulshada Soomaaliyeeed ” .