|

Wasiirka ugu waxqabadka badan kalsoonida shacabka haystaa wuxuu noqday Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Xisbiga KULMIYE markuu talada dalka qabtay waxaa laga joogaa 4 sanno iyo dhowr bilood. Kadib markuu cod aqlabiyad ah oo aad u balaadhan kaga guulaystay xisbigii talada dalka hayey ee UDUB.  Markii uu talada la wareegay madaxweynaha Somaliland oo noqday madaxweynihii 4aad ee taariikhda dalka soo mara , ayaa waxa uu bilaabay inuu soo dhiso gole wasiira ah , si ay u dardar geliyaan balanqaadyadii  madaxweynaha markuu ahaa musharaxa madaxweynaha inuu dalka horumar gaadhsiin doono.

Wuxuu soo dhisay madaxweynuhu golo wasiira ah oo  kooban  aqoona  u leh hawsha loo igmaday. Xilkii cuslaa ee loo igmaday wasiiro dhowr ah baa ka soo baxay ama kasoo dhalaalay .  kuwa badan shaqadii buu ka fadhiisiyey markuu saluugay wax-qabadkooda qaarna wuu isku bedelay. Hadaba aynu  dib u jaleecno wasiirada  madaxweynuhu  uu ku qancay waxqabadkooda , kartida iyo hawl kartinimadooda ay la yimaadeen. Waxaa ka mid ah wasiirada shaqadooda loo daayey ee digreetadii ugu horaysay uu madaxweynuhu ku magaacabay jooga wasiiradan hoos ku xusan:

  1. Samsam Cabdi Aadan  oo ah Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare
  2. Maxamuud Xaashi Cabdi – wasiirka Duulista iyo Hawada
  3. Sacad Cali Shire – wasiirka qorshaynta Qaranka
  4. Sheekh Khaliil – Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta
  5. Faarax Cilmi Geedoole – wasiirka beeraha
  6. Axmed Cali Cadami-Wasiirka Gaashaandiga

Haddaba lixdaa  wasiir ee aan kor kusoo xusay waxay ka mid yihiin wasiirada Madaxweynaha Somaliland ku qancay hawshii loo xilsaaray , shacabkuba  waxay ka marag u yihiin inay ummadan wax  badan u qabteen iyaga iyo wasiirada kale. Hadaba markaan ku darsay dhowr qodob  afartan wasiirka ka ugu waxqabadka iyo kalsoonida badan  anigoo ku eegay qodobadan hoos ku qoran:

  • Waxqabadka  shaqadiisa iyo wasaarada
  • kalsoonida madaxweynuhu ku qabo xaga shaqadiisa
  • Kalsoonida shaqaalihiisu ku qabaan
  • Kalsoonida  shacabka Somaliland
  • Kalsoonida iyo tageerada uu ka haysto reerkiisa

Muddo dheer markaan baadhay lixdaa wasiirka ka  kaalinta kowaad galay anigoo ku miisaamaya qodobadaa shanta ah ee aan kor ku xusay, iyo  bulshada ra’yidka iyo dhalinyarada oo aan xog-badan waydiiyey waxaa ii soo baxay inuu yahay wasiirka kaalinta kowaad kaga jira wasiirada Somaliland inuu yahay:

  • Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Jamhuuriyada Somaliland.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah siyaasi ruug cadaa ah, kana mid ahaa dhalinyaradii ururkii SNM ee dalka xoreeyey. Waxaana lagu tiriyaa inuu yahay siyaasiyiin fara ku tiriska ah eel eh kalsooni badan dhinaca reerkiisa iyo bulshada Somaliland ka haysta dhamaantood.   Wuxuu soo shaac baxay markii noqday Duqii ama mayorkii ugu horeeyey ee Burco markii dalka la soo galay. Waxaanu noqday maayarkii ugu da’da yaraa ee Somaliland ee loo dhiibay hawl aad u culus iyo magaalo burbursan . laakiin kartida uu muujiyey iyo waxqabadkiisu wuxuu noqday inuu baal dahab ah ka galo tariikhda Somaliland. Wuxuu magaalada Burco ku  casuumay shirkii 18 MAY 1991 ee Somaliland xoriyadeedii kula soo noqotay. Wuxuuna ka mid noqday baarlamaankii Somaliland ee ugu horeeyey isagoo ahaa xildhibaan runta sheega oo hadal cadcad.

Markaan taariikhda gaaban ee aan ka aqaano halkaas ku dhaafo, bal aan  u soo noqdo  shantii qodob ee aan ku soo xulay anigoo qodob qodob u dul istaagaya.

  • Qodobka koowaad Waxqabadka  shaqadiisa iyo wasaarada

 Runtii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo inkastoo dalka horumar la taaban karo gaadhsiisay, haddana  wasaaraduhu kala waxqbad badan . Wasaarada duulista iyo hawada waxa ay qabatay laguma  soo koobi karo qoraalo,  laakiin anigoo sarsaraya waxaa ka mid ah:

  • Madaarka Cigaal ee Caasimada Somaliland, inuu maanta yahay garoon diyaarad kasta ku soo degi karto oo loo sameeyey dhabo r (run-way)  5 kiilo miter (5KM)  oo dhow dhow  loo sameeyey lagana raystay diyaaradihii Berbera loo duwi jiray iyagoo u soo socda Hargeisa.  Waxaa la sameeyey dhismayaal casri ah iyo laamiyo lagu dhex wareeyiyey baarkinada, iyo laami casri ah oo taga madaarka. Dhismaha ugu casrisan ee wasaarada loo sameeyey ee ku yaal madaarka agtiisa.  Waxa la bilaabay in markii ugu horaysay xayndaab lagu soo wareejiyo madaarka si loo sugo amniga. Waxa kale oo sameeyey  kamerooyin casri ah (cctv camera) oo loogu talo galay amniga madaarka si loola socdo dhaqdhaqaaqa madaarka.

     

    Laso qaybaha kale……

 

 

Mire Maxamed Xuseen (Aspirin)

Hargeisa Somaliland

Tell: 0634486493

Comments are closed