Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Maanta ka Hadlay Hawlgalka Tiro koobka ee Khilaafku ka dhashay
Hargaysa 29.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa shir jaraa id oo ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga waramay muhiimada uu tirakoobka u leeyahay bulshada Somaliland isagoo faah faahin ka bixiyay baahida loo qabo in la ogaado tirada rasmiga ah ee bulshadeenu ay ka koobantahay.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa ku dardaaray guud ahaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay dalka ka joogaan in ay gacan ka siyaan dhalinayarada loo xil saaray hawsha tirakoobka oo xiligan ka hawl galaya dhamaan gobolada dalka.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in hawsha tirakoobista in ay garab socto xog ururin la xidhiidha xaalada nolaleed ee bulshada somalialnd ,islamarkaa aanay hawsha tirakoobku la xidhiidhin xaalado siyaasadeed, balse ay tahay kaliya sidii aynu u ogaan lahayn tirada guud ee bulshadeena iyo sidoo kale heerarka noalaleed ee bulshadu ay u kala nooshahay.
Wasiirku waxa uu xusay in gobol kasta shaqaalaha ka hawl galaya diiwaangalinta iyo xog ururinta tiro koobka, in laga qortay isla gobolka ay ka hawl galayaan waxaanu arintaasi ku tilmaamay mid sidii dhalinayada iyo bulshada dalka meel kasta oo ay joogaan loo siin lahaa fursad shaqo maadaama shaqo la aantu ay dalkeena dhibaato weyn ku hayso.
Wasiirku mar uu ka hadlaayay sida hawsha tirakoobistu ay ugu socoto gobolka Daad Madheedh waxa uu sheegay in ay jireen meelo cidlo ah oo aanay dad deganayn sidaa daraadeed kooxohii lagu qoray markii hor, loo badalay goobo kale oo ay dad joogaan sidaana ay hawshu ugu socoto sidii loogu talo galay.
Gabagabdii wasiirku waxa uu halkaasi kaga jawaabay dhamaan su aalihii la xidhiidhay hawsha tiro koobista ee warbaahintu halkaasi ku weydiisay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com