|

Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Golaha Wakiilada Warbixin ka siiyay Mashruuca Somaliland Found

Hargaysa 26.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda jsl  oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane cabduraxamaan maxamed cabdilaahi [ cirro] ayaa waxa  hor yimi wasiirka wasaarada qorshayanata qaraanka dr sacad shirre .

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka dr sacad cali shrre  ayaa mudanayaasha fadhiga kazoo xaadiray warbixin ka siiyay hawlaha way wasaaradu u qaabilsantaya qaranka waxaanu  tilmaamay qeybaha wasaarada oo uu ku sfeeyay in ay dhamaantood u adeegaan bulshada.

GOLAHA WAKIILADA 2Wasiirku waxa halkaasi faahfaahin kaga bixiyay mashruuca loo yaqaano somaliland fund  kaasoo ay iska kaashadaan dawladaha ingiriiska  Denmark  iyo Norway  waxaanu intaa daray  In sanduuqaasi ay ku jirto xiligan lacag dhan sagaal iyo kontan milyan oo dallar oo ay inoogu kala deeqeen dawlahaasi kaasoo loogu talo galay mashaariicada horumarinata dalka  mudo ku siman afar sanadood waxaanu wasiirku xusay in deeqaha dal la siiyaa ay yihiin deyn iyo deeq ay isagu jiraan  isalmarkaana  ay laba qaybood ka kooban yihiin deeqaha dawadaha oogu deeqaa kuwaas oo kala ah mid toos  ah iyo mid dadban oo loo soo mariyo hayadaha samofalka  sidaa darteed sanaduuqan ayaa ah mid toos  wax laynoogu siinayo oo aan soo marayn meel kale .

Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicada lagaga shaqaynayo  dhaqaalaha sanduuqani in ay yihiin kuwo ay samaynayaan jaangoyntooda gudi isku dhaf ah oo ka kooban xukuumada iyo golayaasha qaranka, waxaanu nqoqn doonaa mid wax eyn ka tara mashaariicada horumarinata dalka maadaama inagu aynu  nahay kuwa maamulaya meelaha wax laga qabanayo iyo sida ay u kala waaweyn yihiin baahiyaheena waxqabad .

Geesta kale waxa wasiirku xusay in ay gacanta ku hayaan mashruuca horumarinat somalailand kaasoo meel fiican u maraya xiligan  gabagabdii mudanayaashii fadhiga kazoo xaadiray ayaa halkaasi su aaalo la xidhiidha waajibaadka wasaarada ku weydiiyay  halkaasi wasiirka qorshaynta taasoo wasiirku dhamaantood ka jawaabaay.+

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed