|

Wasiirka Madaxtooyadda oo Magacaabay Xoghayaha Rasmiga ah ee Golaha Wasiirada Somaliland

Hargaysa 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wareegto  kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa lagu magacaabay in uu Golaha Guud ee Wasiirada JSL uu Xoghayaha rasmiga ah u noqdo Mudane, Sharmaake Axmed Muxumed

Sharmaake Axmed Muxumed
Wareegtada Magacowga Masuulkan cusub oo nuqul kamida nasoo gaadhay ayaa u dhignayd sidan:

“Aniga oo tixgelinaya baahida loo qabo in la dardar geliyo hawlaha golaha Wasiirada sidoo kalena ogsoon in ay lagama maarmaan tahay in la helo xubin u igmanaata isku daba ridka kulamada golaha iyo dabagalkoodaba

 

Kadib markaan ku qancay in in uu buuxin karo kaalintaas Sharmaake Axmed Muxumed, waxaan laga bilaabo taariikhda maanta u cayimay xubinta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in uu noqdo Xoghayaha Golaha Wasiirka JSL

 

Sidaas darteed, waxaan ka rajaynayaa in Xoghayaha in uu shaqada u guto si xilkasnimo leh qarankana ugu adeego si daacadnimo ku dheehan tahay.

 

Sharmake Gelle: Sharma’arke Axmed Muxumed Gelle oo ahaa afhayeenkii ardaydii kasoo qalinjabisay Jaamacada Camuud sanadkii 2011 ayaa mudooyinkii u dambeeyey ka hawl gali jiray qasriga Madaxtooyada JSL isla markaana dedaal iyo karti dheeraad ah muujiyey sidoo kalena kaalintan loo magacaabay ayaa noqon doontaa mid soo noolaysa rajada dhalinyarada dalka ku nool iyagoo dareemi doona in golaha dalka looga taliyo ay xubin xogta dhalinyarada gaadhsiisa loo magacaabay

 

Magacowga Masuulkan dhalinyarada ah ayaa waxay sidoo kale ay amaan iyo taariikh u tahay Wasiirka Cusub ee Madaxtooyada kasoo ku dhiiraday in uu dhalinyarada kaalin sare ku aamino una igmado.

 

Sharmarke Geelle oo ah shaqsi ku suntan dedaal iyo karti ayaa door muhiima ku lahaa dhaqaajinta iyo dardar gelinta wadada Ceerigaabo isaga oo Gacan yare u ahaa gudidii madaxweynuhu u xilsaaray wadada ceerigaabo dhismeheeda, isaga oo xoghayna u ahaa wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu ahaa shaqsigii ka soo xushay Ardaydii 2011 kii oo dhamaa 722 kana baxday Jaamacada Camuud University hogaamiye ku dayo mudana uu u ahaa sharmarke, nasiib wanaagse isaga oo ka faaidaystay jaaniskaa codsiga shaqaalaysiinta Madaxtooyada ee uu wasiirkaasi u soo bandhigay ayuu kaga midho dhaliyey inuu noqdo shaqsi hanan kara xilkan cusub ee loo soo igmaday

Comments are closed