|

Wasiirka Madaxtooyada oo Soo kormeeray Mashaariic hirgalintooda laga wado Gobolka Gebilay

Hargaysa 16.March (SDN)   Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta Kormeer hawleed waxa uu ku tagay Gabyanka laga dhisayo dooxa Magaalada Arabsiyo iyo dhismaha Wadada  Kala baydh Ilaa Wajaale iyo Guriga Martida ee Magaalada Gebilay .

Wasirka Madaxtooyada oo ay Wehelinayeen Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ayaa soo indho indheeyay heerka uu marayo Gabyanka lagu xidhayo dooxada Arabsiyo wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in Xukuumadu ay ku guulaystay Xidhista Dooxada Arabsiyo isla markaana uu ku talo galkeedu yahay dhamaystirka wixii ka dhiman gabyankaas.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu amaan u soo jeediyay Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Gebilay oo isgarab taagay sidii looga midho dhalin lahaa in lagu guulaysto Gabyankaas oo dhibaato baaxad leh ku hayay dadka iyo duunyadaba.

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay dhismaha Wadada isku xidhaysa Kala baydh ilaa Wajaale iyo Kala baydh ilaa iyo Degmada Dila oo  ay Xukuumadu ku hawlan tahay hirgalinteeda isagoo sheegay in dawlada ay ka go’an tahay wax kasta oo ay ku kacayso sidii ay u dhamaystiri lahayd Mashaariicda kala duwan ee ay ka wado Gobolka Gebilay.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi iyo Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa  dhinacooda balanqaaday inay diyaar u yihiin qabyo tirka Mashaariicda ka socda Gobolka Gebilay.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

 

Comments are closed