Wasiirka Madaxtooyada oo soo Kormeeray Jidka isku Xidha Hargaysa iyo Berbera {Dhagayso iyo Sawiro}
Hargaysa 26.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wefti balaadhan iyo Engineer-ada faraha ku haya dhismaha wadada Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa oo maanta boqasho ku tegay wadadaasi oo ay ka socoto shaqo aad u culusi.
Kormeerka Wasiirku ku tegay maanta wada ayaa la xidhiidhay inuu wasiirku goob-joog ka ahaado gunaanadka wejigii u horeeyey dhismaha jidkan dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera iyo inuu wasiirku ka war doono soona arko dhaawacyada roobabkii dhawaan dalka ka da’a ay u geysteen laamiyada iyaga oo samaysmay dooxyo cusub, taasi oo ay sababtay fatahaada dooxyadu ay sameeyeen markii roobabku hayeen laba habeen iyo laba maalmood, balse ay hay’adda wadooyinka Somaliland dedaal xoogan u gashay sidii ay dooxyadaasi ugu celin lahayd halkii ay markii hore ka soo guureen iyada oo ku samaysay moosas dhaadheer oo aanay biyuhu soo jiidhi karin mar danbe.
Waxa kale oo uu wasiirku amar ku bixiyey in sida ugu dhakhsaha badan looga hawlgalo waxyeelada daadad ku u geysteen laamiyada iyada loona sameeyo biyo mareeno si laamigu u nabadgalo.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadaladii Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xisiWadooyin.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com