|

Wasiirka Madaxtooyada oo Si adag ugu Jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Weftigii Somaliland oo u Kicitimay Turkiga {DAAWO}

Berbera 05.July (SDN) Weftigii Somaliland u Metelayay Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ee Wejigiisii Afaraad ka qabsoomi doona Wadanka Turkiga ayaa maanta ka ambo baxay Madaarka Magaalada Berbera.

Weftigan oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr Maxamed C.laahi Cumar isuguna Jira Sadexda Gole Qaran ee Somaliland ayaa ka hor intii aanay ka dhoofin Madaarka Magaalada Berbera waxay ka hadleen arrimaha ugu weyn ee ay Somaliland ka rabto inay ka soo baxaan Wada hadaladan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Jawaab ka bixiyay dhaleecayn ay uu u soo Jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu uu ka reebay ergada Wada hadalada u Metelaya Somaliland.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed