Wasiirka Madaxtooyada oo Kulan la Qaatay Ardaydii Wax ku soo baratay Dalka Hindiya
Hargaysa 29.July (SDN) Wasiirka wasaaradda madaxtooyada ee JSL Md Xirsi cali Xaaji xasan ayaa ka qayb galay kulan is xog waraysi ah oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanada reer Somaliland ee dhowaan wax ka soo bartay Dalka Hindiya.
Ujeedada kulankani oo u badnayd afur wadareed ay wadaagayeen aqoonyahanka reer Somaliland ee wax ku soo bartay dalka Hindiya ayaa waxay iskula eegeen sidii ay u joogtayn lahaayeen kulamadooda noocan oo kale ah oo ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan.
Dhankiisana wasiirka wasaaradda madaxtooyada Md Xirsi cali xaaaji xasan oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaasi ayaa xusay in aqoonyahan badan oo dalka u dhashay ay shaqooyin kala duwan ka hayaan dalka gudihiisa, waxana uu u soo jeediyey aqoonyahankii kulankaa isugu yimid inay isku duubnaadaan kana shaqeeyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sidii loo gaadhi lahaa horumar muuqda .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com