|

Wasiirka Madaxtooyada oo Dhagax dhigay 4 KM oo ka Mid ah Jidka Dawga Cad oo Laami laga Dhigayo {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta hawl shaqo ku soo maray dawga cad oo ay ka socoto hirgelinta wado laami ah oo wejigeedii labaad uu maanta 4 KM uu Si rasmi ah u   dhagax dhigay .

Wasiirka oo ay Wehelinayaan Wasiirka Waxbarashada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan iyo Gudida isu Xilsaartay Dhismaha Wadadan ayuu Mudane Xirsi ka balanqaaday in Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inay Ka Go’an tahay Sidii ay u Hagaajin lahayd Wadooyinka oo Horumarka dalku ku Xidhan yahay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DAWGACAD.mp3″]

Comments are closed