|

Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo Socdaal ku tagay Gobolka Awdal

Boorama 11.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ay safarkiisa ku weheliyaan Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Garaad iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa intii aanay Gaadhin Magaalada Boorama waxay ku sii hakadeen Degmada Dila halkaas oo ay Kulamo kula Yeesheen Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka degmada Dilla ee Gobolka Awdal .

Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Dila ayaa Xubnaha Wasiirada ah u soo bandhigay Wax ka qabashada baahiyo ay deegaan ahaan Tirsanayaan, iyagoo ka dalbaday in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay iska Xil saarto sidii ay Taageero Muuqata iyo Mashaariic Horumarineed uga Fulin lahayd Degmadaas.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo ka duulaya tabashada ka soo yeedhay Odayaasha Degmada Dila ayaa Sheegay in ay Haboonaan lahayd inay isaga u soo Gudbiyaan Wixii ay deegaan ahaan tirsanayaan si aan u gaadhsiiyo ayuu yidhi Xukuumada dhexe.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markaas kadib hadalka la Wareegay ayaa tilmaamay in ujeedada socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii ay wax uga ogaan lahaayeen baahiyaha yaala degmada Dila  iyo gobolka Awdal Guud ahaantii waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay tahay Wadan yar oo aan Weli helin aqoonsi caalami ah isla markaana ay Xukuumada uu ka tirsan yahay dadaal Xoogan u gashay Mudadii ay Joogtay Sidii horumar Muuqda dalka loo gaadhsiin lahaa .

Wasiirku wuxuu u balanqaaday Duqayda degmada dila  in xukuumaddu u qorshaysay sidii degmada Dilla looga hirgalin lahaa suuq weyn oo kaalin ka qaata dakhli soo saarta dawladda hoose ee degmadaasi.

Markaas kadib Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubnaha  weftigiisu waxay u  kicitimeen dhanka Magaalada Boorama waxaana duleedka bari ee Magaalada Borama ku soo dhaweeyay dadwayne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Madax-dhaqameed iyo maamulka Gobolkaasi.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa markaa ka dib xadhiga ka jaray wado laamay oo 3KM ah taas oo isku xidhaysa Magaalooyinka Dila iyo Goraya Cawl ,Waxaa kale oo uu dhagax dhigay 5KM oo laami ah taas oo dhamaystiri doonta 32Km ee u dhaxaysa Dila Iyo Boorama,Waxan halkaasi warbixin ku siiyay Maareeyaha hayada SRA ee Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan  “ Mudane Wasiir jidkan aad xadhiga ka jaraysaa waa 3km oo ay xukuumadu maal galisay taasi oo ay fulisay hayada Asarda, waxana ay noqonayaa mid wax badan ka tartay baahidii jidadka ee gobolka Awdal, sidoo kale wadadan aad dhagax dhigtay waa 5km oo kale oo dhamaystir u noqonaysta jidka Dila ilaa Borama oo ay baahi badan u qabeen dadka ku nool gobolkani inay helaan”Sidaa Waxaa Yidhi Maareeyaha Hay’ada SRA.

Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubnaha Wehelinayaa waxay kulan  Gaar ah la qaateen Ugaaska Guud ee Beesha Degmada Boorama ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi .

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed