|

Wasiirka Macdanta Oo Faraqa Haysta Ciidamo Loo Aasaasayo Shirkadaha Shidaal-qodista Iyo Muran Soo Kala Dhex Galay Wasaaradaha Macdanta iyo ta Arrimaha Gudaha

Hargeysa:19-April-2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa lagu Eedeeyey inuu Farogelin ku Hayo Cutubyo Ciiddamo ah oo la Aasaasayo, kuwaas oo gaar u ah ilaalinta Shirkadaha Shidaalka ka qodaya Somaliland.

macaaSida ay sheegayaan warar aanu ka helay Saraakiil sare oo wasaaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ka Tirsani, waxa muran ka Taagan yahay Qaabkii Ciidankaas Loo Aasaasi lahaa iyo sidii loo soo Xuli lahaa, iyadoo la isku ogaa in Wasaaradda Arrimaha Guduhu arrinta soo Dhaymayso, balse uu haatan wasiirka Macdantu soo dhexgalay arrina.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyey inuu codsaday inuu wax kala socdo sida loo xulayo ciidamadan oo uu waliba xubno muhiim u ah Hoggaankooda isagu ku soo darsado, waxase taas iska diiday Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku tilmaamay shaqo iyaga u taalla oo aanay cidkale udaba fadhiisanaynin.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa la sheegayaa inuu diiday inuu arrinta faraha kala baxo, waxana uu ku andacooday inuu xaq u leeyahay inuu talo iyo tusaaleba ku yeesho aasaaska ciidankan, maadaama ay shaqadoodu hoos iman doonto wasaaradda uu madaxda ka yahay, waxase arrintaasi masuuliyiinta labada wasaaradood ka dhex dhalisay muran iyo buuq ballaadhan oo laga yaabo inuu gaadho madaxtooyada.

Sida uu wasiirka Macdantu ku andacoonaya wax aka soo horjeestay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay u taallo hannaanka loo xulayo ciidanka loo aasaasayo ilaalinta shirkadaha shidaalka baadhaya oo ay ka mid ahayd shuruudihii lagula heshiiyey xilligii Somaliland lagu soo celinayey.

Ciidanka ilaalada gaarka ah u noqonaya shirkadaha shidaalka ka qodaya Somaliland ayaa lagu wadaa in ay si buuxda u Hawlgalaan Dhamaadka BIsha May ee soo Socota, waxase taas carqalad ku ah murankan haatan uu keenay Wasiirka Macdantu oo masuuliyiinta wasaarada arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska oo isku Duubani ku sheegeen mid aan meesha qabanin oo aan xaq loogu lahayn.

Sida ay sheegayaan xogaha aanu Haynaa, waxa uu Wasiirka Macdantu Doonayaa inuu si weyn ugu lug yeesho aasaaska Ciidankan, gaar ahaan waxa uu ku talo jiraa inuu gacan ku yeesho Hoggaanka ay ciidankani yeelan doonaan  oo uu doonayo inuu magacaabistooda isagu lahaado oo aanu cid kale ka sugin.

Sababa keenay in ciidankan la isku qabsado ayaa lagu sheegayaa inay kaw ka tahay in ciidankani qaadan doonaan lacago ka badan kuwa ay haatan qaataan ciidanka kale ee caadiga ahi, waxana la sheegayaa inay heli doonaan lacago aad uga badan kuwa haatan la siiyo ciidanka suga ammaanka guud ee dalka.

Kharashaadkaas badan  ee ay ciidankani heli doonaan ayaa keenay in masuul waliba doono inuu badh yeesho amaba taladeeda isagu yeesho si uu beeshiisa ama axsaabtiisa qayb libaax uga siiyo, waana midda haatan keentay in la isku qabsado tiradan kooban ee ciidanka ah.

Lama garan karo meesha uu ku dambayn doono murankan ku saabsan ciidanka ilaalada u ah Shirkadaha shidaal-qodista oo la doonayo in dhawaan ay hawl galaan, waxase shirkaduhu ay haatan sugayaan sidii ay  dhawaan u heli lahaayeen ciidamo tababaran oo ka shaqeeyo ammaankooda.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed