|

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo wasiirka Maaliyada Somaliland

Hargeysa Dec 28,2011(qurbejoog.com)-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu sheegay in uu kula dul dhacay wasiirka maaliyada oo ku eedeeyay in uu lunsaday aduun wasaaradaasi ay ka soo xareysay heshiis shidaal.

Wasiika Macdanta iyo Biyha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta shir jaraaid Hargeysa ku qabtay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa;“Waxaan maanta shirkan jaraa’id u qabtay bal inaan ka jawaabo waxyaabo badan oo beryahan soo noqnoqonayay oo saxaafaddana aad ugu jiray waxaasi wixii uu ku salaysnaa iyo halka ay ka timid inaan idiin faah faahiyo ayaan jecelahay, mudadii tobanka maalmood ahayd ee arrimahani soc-socdeen Saxaafadda waxa ku jirtay arrintan lacag lunsigu waan ka hadli kari lahaa, laakiinse waxaan doorbiday inaan sugo inta uu ka go’aan gaadhayo hanta dhawrihii uu u diray madaxweynuhu oo marka ay soo afjaranto baadhistu aniguna wixii fikir ah ee aan ka qabo aan ka waramo.”

Runtii waa nasiib darro in lagu tuhmo tuugonimo iyo lacag lunsi iyadoo aanay arrintaasi waxba ka jirin,eedaasina ay ka timid masuul aniga oo kale ah, waa eed aad u culus waxaanad lunsan marka lagugu eedeeyo waxay ahayd inuu Wasiirka maaliyaddu ka fiirsado arrintaasi oo uu anigana wax iga weydiiyo, mar qudhana waxba igama uu weydiin arrintaasi. Eedaha noocaas ah markaad qof masuul ah ku oogtid ee ay run noqon waydo markaa adiga laftaada ayaa fal dambiyeed ku jira waana wax maxkamad la iskula gali karo.

Waxaan idiin sheegayaa daacadnimadda ummadda loogu shaqaynayaa kuma koobna oo qudha masuul kaliya oo dawlada ka shaqeeya, Wasiirka maaliyadda waxba iilamuu hadhin haddii uu arrintaa aadka u culus igu eedeeyay ee waxa iga badbaadisay daacadnimadeyda oo qudha. Waxaa markale ummadda u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin eedaha la ii soo jeediyay oo aanan waxba ka lunsan qarankan. ”

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu ka waramay sidii baadhista hanta dhawruhu ku timid, waxaanu yidhi “Waxaan u malaynayaa inaan ka duulaayo warbixintii uu shalay saxaafadda u baahiyay hanta dhawraha guud ee qaranku oo ku saabsanayd baadhistii uu ku sameeyay wasaaradda macdanta iyo biyaha, way jirtaa oo hanta dhawruhu masuuliyadiisa weeye inuu qaranka xoolihiisa ilaaliyo. Waxaanu xaq u leeyahay inay markay doonaan baadhaan Ha’yadaha dawlada.laakiinse baadhitaankani shalay soo afjarmay ee hanta dhawruhu ka waramay waxay ka timid. Maalintii khamiistii ee shirkii Golaha Wasiirrada ee 15-kii bishan waxa aniga I soo gaadhay in la igu eedeeyay lacag lunsi uu Wasiirka Maaliyaddu igu eedeeyay oo intuu madaxweynaha u tagay ku yidhi Wasiirka macdanta iyo biyaha waxaanu ku haynaa lacago uu lunsaday, lacagtaasi oo uu ku shubtay account- dibada ah oo la yidhaahdo DCA oo uu isagu gaar u leeyahay, markii arrintaasi dhacday ayaa haddana waxa I soo gaadhay inuu Wasiirka maaliyaddu sidaasi si leeg u sheegay lix Wasiir oo kula jira Guddida qaban qaabada Miisaaniyada sanadka soo socda oo uu ku yidhi waxaan wasiirka macdanta ku hayaa lacago xatooyo ah.”
“ Shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada ee khamiistii hore waxa jiray falanqeyn lagu darsayay heshiis iyo wax ka bedel aan keenay oo ku saabsan shiidaal,markaa arrintan lafteedu way soo noqnoqotay oo hadalkiina way soo gashay. Shirkana waxa fadhiyay 27 Wasiir oo aan anigu 28 ku ahay. Waxa Wasiirka maaliyaddu uu shirka ka sheegay inaan musuqmaasuq ku kacay. Markaasi hanta dhawrku aadhistiisa uu shalay soo afjaray waxa amray madaxweynaha Somaliland markii Wasiirku warkaasi keenay. Waxaana daruuri noqotay in si rasmi ah baadhitaan loogu sameeyo wasaaradda. Hanta dhawruhu wixii uu xog ku helay baadhistiina isagaa idiinka waramay,”ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo lacagaha wasaaradda soo galay ee khaladka laga sheegay horta wasaaraddu wax heshiis ah oo cusub oo ay gashay ma jirto ee waxay sii ambo qaaday heshiisyadii hore ee aanu ka dhaxalay dawladii naga horeysay, heshiisyadaasi wax ka bedel ayaanu ku samaynay si aanu u dhiiri gelino shaqo hor leh uga bilowno baadhitaankii shiidaalka, markaa heshiisyadaasi wax ka bedelkooda ayuun baanu samaynay, balse maanaan gelin heshiisyo cusub oo aanu shirkado la saxeexanay, waxa weeye lacaguhu waxay ku qeexan yihiin heshiisyada aanu wax ka bedelka ku samaynay waana kuwo u xaroonaya dawladda. Dawladuna lacagaha ay xaqa u leedahay ee ah inay qasnadeeda gashana waxa la yidhaahdaa Royality oo ah waxaynu u naqaano xaqul qalinka taasi oo ah wax aynaan shaqo ku lahayn oo ku dhacda qasnadda dawladda, waxa kale oo jira wax la yidhaahdo ( Service Rent) oo ah kiradda dhulkan ay joogayaan in laga kireeyo,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo ka hadlayay lacagan lagu eedeeyay wuxuu yidhi “Waxa heshiisyada aanu dhaxalay ku qeexan kuna qoran sadex heshiisba lacago yar yar oo loogu tallo galay tayaynta wasaaradda macdanta oo aan aad u badnayn oo ah (Capacity building) oo ah waxay wasaaraddu ku shaqayso si ay horumar u samayso, awoodna u yeelato hawl galadeeda shaqo, runtii lacagtanna oo maalmihii u dambeeyay saxaafadda midba dhinac u jiiday oo ay qaarkood marinayeen nus malyuun iyo Dollar, lacagta laga hadlayaana waa Capacity building laba sanadood is gaadhay oo ah konton I kun iyo konton kun oo dolar oo shirkad ka timid, iyo lacag 75 kun ah oo iyana shirkad kale ka timid, lacagahaasi isku geyntooduna waa 175 kun oo Dollar markii ay yimaadeen lacagahaasi waxay si toos ah ugu soo dhaceen bangiga dhexe oo Guddoomiyaha baanka ayaa qabtay, aniguna kumaan shuban account gaar ah oo ka furan Jabuuti. Lacagtii waxay ku xarootay account wasaaraddu leedahay, hawsha ay wasaaraddu ku qabsanaysaana waa wax iyada u yaalla.”

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed