Wasiirka Maaliyadda oo soo saaray go’aan lagu dhaqan-galinayo in mushaharka shaqaalaha laga jaro 1%
Hargeysa, 21, April 2012 (SDN)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo tixraacaya go’aan ay hore Golaha Wakiiladda iyo Madaxweynuhuba u ansixiyeen ayaa soo saaray digreeto uu ku dhaqan-geliyo go’aankaas.
Digreetada Wasiirka ayaa lagu sheegay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu inay ku shubaan Khasnada Dawladda iyadoo lagu xerayn doono Madaxxigaha Hawlgabka ilaa iyo inta Sharciyad loo samaynayo Sanduuqa ay yeelan doonaan Shaqaalaha Hawl-gabka noqdaa.
Digreetada uu Wasiirku soo saaray oo loo qaybiyay dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee madax banaan eek u jira Miisaaniyadda Qaranku waxay u dhignayd:-
Ujeedo: Qaadista Khidmada Hawlgabka:-
Tixraac Warqada Madaxweyanaha JSL ee tirsigeedu yahay JSL/M/XERM/249-1026/042012 ee 07-04-2012 iyo Xeer Madaxweyne NO:
0225/0421012 ee 07-04-2012 ee lagu baahiyay dhaqan galka lifaaqa wax ka badalka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada iyo Warqada Golaha Wakiiladda ee tirsigeedu yahay GW/G/GK-17/559/2012 kuna ansixiyay Lifaaqa wax ka bedelka Cashuuraha iyo Liisamada.
Sidaas awgeed; waxa dhamaan Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ku jira lagu wargelinayaa inay ka jaraan 1% Mushaharka ay qaataan shaqaalaha Dawladda dhexe laga bilaabo Bisha April, taas oo la galin doono khasnada Dawlada laguna xerayn doono madax-xigaha Hawlgabka inta sharciyad loogu samayn doono sanduuq gaar oo uu yeesho Hawlgabku.
Waxa madaxda Warqada ogaysiinta ku leh-na laga codsanayaa inay gacan ka siiyaan fududaynta hawshan
SDN, Hargeisa