|

Wasiirka Maaliyadda oo Komishanka ku wareejisay Laba Milyan oo Doollar oo Xukuumadda kaga hadhsanaa Lacagta doorashada

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa Guddiga doorashooyinka Qaranka ku wareejisay Lacag dhan laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ka dhinnaa Kharashaadka Xukuumadda laga rabay ee doorashada Madaxtooyada.

Photo: Wasiir Sam Sam oo Gudoomiyaha Komiishanka Ku Wareejisay Jeega ay ku Qoran tahay Lacagta 2 Milyan ee Dollar

Lacagtaas oo lagu wareejiyey Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxaa hadal ka soo jeediyey Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay in Madaxweynuhu amray bixinta lacagtaas iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka mahad-celiyey Lacagtaas Xukuumaddu shubtay.

Wasiirka Madaxtooyaddu Waxay Komiishanka Ilaahay uga bariday inuu ku soo asturo qabsoomida doorashadda Madaxtooyadda iyadoo Sheegtay in Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay buuxisay dhamaan Kharashkii Doorashadda iyo Kii Diiwaangelinta.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.qaadir Iimaan Warsame ayaa Wasiirka Maaliyadda ku amaanay inay soo gaadhsiisay Kharashkii ku dhinaa xukuumadda hasa yeeshee waxa uu hadalkiisa ku sheegay in Komiishan ahaan ay dawlada ka rabaan hadiiba ay dhacdo inuu ku soo baxo Kharash kale.

Comments are closed