Wasiirka Maaliyadda oo Heshiis lagu Taageerayo Booliiska DFS la Saxiixday Dowladda Maraykanka
Muqdisho,8Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibrahim (Farkeeti) ayaa ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Somalia, James P. McAnulty Muqdisho kula saxiixday heshiis ay Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta ciidamada booliiska Soomaaliya.
Xafladda lagu saxiixday heshiiskan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska Somalia.
Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqdan taasoo fududeynayso in labada dowladood isaga kaashadaan, si wada jir ahna uga wada shaqeeyaan, sidii loo taakulayn lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si sare loogu qaado ciidanka tayadiisa si ay uga hortagaan dembiyada abaabulan.
Mashruucdaya la Fulinayaa ayaa waxaa ka mid ah Tababarada, Dhaqan-gelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida kartida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyadoo ahmiyada la siinayo Waaxda Dembi Baarista(CID).
Sidoo kale, Mashruuca wuxuu kaloo awood siin doonaa booliiska Gobollada dalka ee dhawaan la dhisay; kuwaasoo laga caawini doono sidii ay dembiyada iyo falalka arargagixisnimada uga hortegi lahaayeen.
Wasiirka Maaliyadda oo hadal gaaban halkaas ka jeediyey ayaa wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ergayga Gaarka ah ee Doladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya.
Gabagabadii Taliyaha Booliska Soomaliyeed, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid wax weyn ka badeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.