Wasiirka Maaliyadda Oo Daawooyin, Raashin Iyo Agab Kale Gaadhsiisay Cisbitaallada Boorama & Wajaale DAAWO
Boorama 19. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa deeq Daawooyin, Raashin, Bustalaal iyo Agab kale oo ay ka mid yihiin maacuunta wax lagu karsado gaadhsiisay Cusbitaallada Boorama iyo Wajaale, waxaana deeqdaasi ka guddoomay Maamullada Gobollada Awdal, Wajaale iyo bahda cusbitaalka magaalooyinkaasi.
Deeqdan Dawooyinka ah ayaa ku soo beegantay xilli gobolka Awdal uu ka dilaacay shuban biyood, waxaana deeqdan si diiran u soo dhaweeyey bahda cusbitaallada labada Magaalo iyo Maamullada labda Gobol.
Ugu horay, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo markii ay deeqdaasi dawooyinka ah ku wareejinaysay masuuliyiinta gobolka Awdal iyo Cusbitaalka Boorama, la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay cusbitaalka gobolka Awdal ay ku wareejinayso 64 Kartoon oo dawooyin ah, bustayaal, Maro-Kaneecooyin iyo agab kale oo muhiim ah.
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo arintaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi “Waxaanu cisbitaalka Boorama ku wareejinaynaa 64 Kartoon oo dawooyin ah, Bustayaal, Maro-kaneecooyin, Baaldiyo iyo guud ahaan wixii ay u baahnaayeen cusbitaalka Boorama in muddo ah, ayaanu ugu soo talo galnay”.
Wasiirku waxay faahfaahin ka bixisay ka caawisay Deeqdan ay gaadhsiisay Cisbitaalka Boorama, “Waxa naga caawisay Hay’adda Save the Children oo iyagu alaabooyinkii ay hayeen ee ay gurmadka degdega ah (Emergency-ga) u hayeen, waxaan jeclahay in aad naga gudoontaan wixii alaab ah ee aanu idiin sidno, insha allaah, wixii kalena taladeedu way badan tahaye waynu ka tashan”. Ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaanu uga mahadnaqay Wasiirka Maaliyadda gurmadka ay gaadhsiisay Gobolka, waxaanu tilmaamay inuu ka ka guddoomay oo uu ku wareejinayo Agaasimaha Cusbitaalka Boorama.
Maxamed Xuseen Maydhane oo ah Maayarka Magaalada Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu uga mahadnaqayo Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam kaalmada ay soo gaadhsiisay Cusbitaalka, isla-markaana ay tahay mid aad loogu baahnaa xiligan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama Prof Saleebaan Axmed Guuleed, oo madasha ku sugnaa, ayaa jeediyey hadal uu ugu ducaynayo Wasiirka Maaliyadda deeqda ay gaadhsiisay Cisbitaalka Borama awgeed.
Sidoo kale, Intii Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay sodcaalka ku maraysay gobolka Awdal ayaa waxa ay deeq raashin ah u qaybisay dadka deegaanka Tuli ee ka soo barakacay Abaaraha dalka ka jira, waxaanay halkaasi raashin gaadhsiiyeen dhawr boqol oo qoys, waxaana intii ay qaybtinta raashinkaasi ku gudo jireen Wasiirka maaliyadda aad ugu mahadnaqay Sheekh Maxamed Daahir Dhawal oo ah guddoomiyaha guddida abaaraha gobolka Awdal.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Somaliland markii ay ka soo laabatay socdaalka gobolka Awdal ee ay soo gaadhay gobolka Gabiley ayaa deeq isugu jirta hu’ iyo maacuunta cuntada lagu karsado waxa ay gaadhsiisay cusbitaalka magaalada Wajaale, kaas oo loogu talo galay dadka soo guurtada ah ee ka soo barakacay Abaarta gobolada Bariga ku dhufatay.
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo deeqdan ay soo gaadhsiisay cusbitaalka Wajaale faahfaahin ka bixinaysa ayaa waxa ay tidhi “Dadka intii badnayd way ka kacday xanuunka shuban biyoodka ilaa saddex boqol oo qof ayaa cusbitaalkan Wajaale la soo dhigay, illaahay ayaa inagu gargaaray, Waayo? Wajaale maaha dad meel Cid qudha u xidhan ee waa meel Somaliland oo dhami isticmaasho, haddii xanuunkaasi (shuban biyoodku) Wajaale uu ka dilaaci lahaa waxa uu gaadhi lahaa ilaa Laascaanood ilaa halka ugu dambaysa ee Lawyacado, “Waxaanu bishan oo dhan u dulfadhinay ee aanu u ilaalinaynay in xanuunkaasi aanu inagu fidin illaahaybaana inagu guuleeyey, meelihii uu ka bilaabmayna sidii si leeg ayaynu u doonaynaa inaynu gacmaha isku qabsano oo aynu wax uga qabano.” Ayay tidhi Wasiir Samsam oo halkaa hadal ka jeedisay waxayna intaa ku dartay “Waxaanu cusbitaalkan Wajaale ku wareejinaynaa bustayaal,iyo Maro-kaneecooyin. Weelkaa iyo bacahaa intiisa badana waxa leh dadka soo guurtada ah oo ay qaybin doonaan guddida abaaruhu.”
Wasiirka oo hadalkeeda sii wadata ayaa u Mahad-naqday Hay’adda deeqdani ka timid, “Waxaan si aad ah ugu mahadnaqayaa Hay’adda Save the Children Fund, oo ugu talo-gashay deegaamadan Wajaale ku teedsan, balse markii uu xanuunku ka dilaacay Boorama ayaanu badh ka qaadnay oo bustayaashii iyo alaabtii kale ayaanu badh siinay, intii kalena waanakan idiin keenay.”
Sidoo kale Maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, Guddoomiyaha Magaalada Tog-wajaale Aadan Muuse Cilmi, Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Wajaale Dr Cumar Cabdi Guuleed iyo xubno ka mid ah guddida taakulaynta abaaraha ee Wajaale oo dhamaantoodna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadnaqay deeqdan la soo gaadhsiiyey.