|

Wasiirka Maaliyadda iyo Wefti uu hogaaminayo oo ku Waaberiistay Dekedda Saylac iyo ujeedada socdaalkooda

Saylac 29, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale iyo wefti uu hogaaminayo oo ka socda wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha iyo Booliiska ayaa xalay saqdii Dhexe u guureeyay Goobolada Salal iyo Awdal oo ay ka bilaabayaan Olole Cashuur Ururin ah.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga, Ganacsiga, Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha iyo Saraakiil Booliis ah ayay Ujeedada safarkoodu la xidhiidhaa Olole balaadhan oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku doonayso inay Goobaha Dakhli Ururinta kaga soo fuliso hawlo kor loogu qaadayo cashuuraha soo xerooda.

Bartilmaameedka koowaad ee weftigani waxa uu ka bilaabmayaa Dekedda Magaaladda Saylac oo ay ka soo degaan kana dhoofaan alaabo kala duwan oo dhaqaale badani ka soo baxo, waxaanay u dhaafi doonaan dhamaan goobaha kale ee teedsan Xeebta iyo dhulka Buuralayda ah ee ay ku yaalaan baraha kantarool ee Cashuuraha lagu qaado, ee ay ka soo degaan ama laga dhoofiyo alaabaha iskaga gudba itoobiya iyo Somaliland iyo kuwo gudaha dalka lagu isticmaalaba, kuwaasoo siyaabo kala duwan u mara deegaamadaasi.

Ololahan oo ah mid balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyaddu qorshaysay inay dalka oo dhan ka bilowdo waxa uu daba socda natiijo korodh dhaqaale ah oo uga soo baxay daraasad ay ka qaaday Kastamada Kalabaydh iyo Abaarso oo ay bidhii u danbaysay ka soo xeroodeen dhaqaale lagu qiyaasay maalintiiba toddobaatan Milyan oo shilling ooh ore loo Lunsan jiray.

Soo bixitaanka dakhliga intaa leeg oo wasaaradda Maaliyadda Yididiilo galiyay ayay Wasaaradu si ay kor ugu qaado kala kaashatay Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin sida Wasaaradda Ganacsiga iyo Booliiska oo kale waxaanay taasi keentay in wasaaradaha kalena ay gacanta isqabasadaan taasoo ay talaabadan cusubna la kaashanayaan Wasaaradda Kalluumaysiga oo ah wasaarad dakhli soo saar iyo Ciidamadda Ilaalada Xeebaha oo iyana u xil saaran ilaalinta Xeebaha si looga hortago kootarabaanka.

Ilaa hada Wasaaradda Maaliyaddu si cad umay soo bandhigin korodhka Dakhli ee ay soo xaraysay hase yeeshee tan iyo intii Wasaaradda Maaliyadda uu qabsaday Wasiir Samaale wax aka socda isbedbedelo badan oo laga dareemayo Kastamyada iyo xarumaha Cashuuraha Barriga, kuwaasoo uu ku doonayo in uu ka soo xareeyo dakhliga Miisaaniyadda ku xusan oo ay calaamatu su’aal badani ka taagan tahay.

Talaabooyinka ilaa hada muuqda ee lagu qiimayn karo in dakhliga Odoroska Miisaaniyaddu ku soo xeroon karana waxa laga dareemi doonaa xisaab xidhka Lix biloodka ee Dakhliga wasaaradda oo sadex biloodkiiba mar la xidho, hase yeeshee Digreetooyin uu wasiirku soo saaray oo la xidhiidha dhinaca Mushaharooyinka iyo kharashaadka darruuriga ah ayay wararka laga helayo Hay’adaha Xisaabaadka iyo Baankuba sheegayaan inay si fiican u socdaan oo ay xukuumaddu bixisay bilihii u danbeeyay.

Hase yeeshee dedaalada lagu doonayo in lagu kordhiyo dakhli soo xaraynta iyo nidaamka maaamul ee wasaaradda oo bilihii u danbeeyayba socday ayaa la sheegayaa inay ka hor yimaadeen caqabado kala duwan oo ay ku kaceen kooxo is kaashaday oo ku shuraakoobay Lunsiga Cashuuraha, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo shaqaalaha Wasaaradaasi, inkasta oo aanay ilaa hada jirin cid loo xidhay Lunsi lacageed hadana sida ka muuqata dakhliga soo xerooday bishii u danbaysay ayaa muujinaya in kooxahaasi laga awood roonaaday meelaha qaarkood, inta hadhayna loo baahan yahay in dedaal dheeraad ah lagu bixiyo.

Waaheen

Comments are closed