|

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta oo dalka dib ugu soo noqday iyo kulamo uu la qaatay wafti ka socda dalka Japan

Hargeysa Dec 08,2013(SDN)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib Shirar caalami ah oo Wasiirku uga qayb galay dalalka   biljamka iyo Franca kuwaasi oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada
Muqdisho xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu Maxamuud
Xasan Sulaymaan Shir Jaraa’id oo Saxaafadda ugu qabtay gudaha garoonka
uu faah faahin uga bixiyay socdaalkiisa.

Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa sheegay Shirka hore oo ka dhacay
Magaalada  Brussels ee dalka Biljamka in ay  iskugu  yimaadeen
wadamada EU, oo xiriir kala dhexeeyo iyagoo  ka wada hadlay sidii ay
iskaga kaashan lahaayeen arimaha Amniga, Siyaasada, iyo dhaqaalaha.
“Waxaan kasoo laabtay shir aan uga soo qayb galay magaalada Brussels
ee dalka Biljam iyo shir kale oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka
Franca, shirka hore ee Brussels wuxuu dhex maray  EU iyo Midowga
Africa, iyo Jazeeradaha loo yaqaan Indian Ocean, ujeedkiisu wuxuu ahaa
iskaashiga wada ku midoobay Ururadaasi”ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Mr Sulaymaan ayaa xusay Muhiimada shirkaasi ka dhacay magaalada
Brussels inuu yahay sidii wadamadaasi ay iskaashi buuxa uga yeelan
lahaayeen Wax soo-saarka gaar ahaan dhinaca Beeraha iyo sidoo kale
Amniga oo uu xusay Wasiirku inay isku xiranyihiin dhaqaalaha
wadamadaasi iyo Midka Soomaaliya.

“Shirka Muhiimadiisu Wuxuu ku saabsanaa sidii loo tayayn lahaa wax soo
saarka dhinaca Beeraha waad la socotaan Soomaaliya xiliyada ay dhacaan
abaaraha waxaa yaraada wax soo saarka dhinaca beeraha taasoo ku
xirantahay noloshooda kumanaan Soomaali ah”.

Dhanka kale Wasiirka ayaa  xusay  Magaalada Paris ee dalka Franca inuu
kula soo kulmay qaar kamid ah Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya
kuwaasi oo kala soo hadlay dib u soo celinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay dhawaan inay bilaabeen  Maamulka
Maaliyada kaasoo uu sheegay inuu yahay Mashruuc dheer oo soconaya mudo
dhowr sano ah ujeedkiisuna yahay tayayna maamulka Maaliyada
Soomaaliya.

“Qorshaha Wasaarada Maaliyada ee sanadaha soo socda ay hiigsanayso
waxaa kamid ah dib u habaynta maamulka Maaliyada Soomaaliya oo aan
bilownay sanadkii hadda dhamaaday wuxuuna soconayaa mudo sadex sano
ah, ujeedkiisuna waa kor u qaadista Maamulka Maaliyada si uu ula jaan
qaado dunida sida ay wax u maamulato, waxaana dib u dhac ku riday
dagaaladii dalka ka dhacay, sidoo kale hadda waxaan diyaarinay
Miisaaniyadii sanadka 2014-ka oo iyadu ah tii uu dalku ku shaqayn
lahaa sanadka soo socda arintaasi intaanan tagin baan mariyay
Xukuumadda dhawaana waxaan hor gayn doonaa golaha Shacabka” ayuu yiri
Wasiirka Maaliyada oo wax laga waydiiyay qorshaha Wasaaradiisa ee
sanadka 2014-ka.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa maanta kula shiray garoonka diyaaradaha
madaxa hay’ada xiriirka caalamiga ah ee Japan Mr, Hideo Eguchi,
waxayna isla soo qaadeen sidii loo kobcin lahaa xiriirka ka dhexeeya
labada wadan, iyo sidii dowlada Japan ay qayb uga qaadan lahayd dib u
dhiska dalka, iyagoona labada masuul isla jeex jeexey sidii dowlada
Japan ay kaalmayinka ay siinayso Soomaaliya uu noqon lahaayeen kuwo
toos loo siiyo dowlada Soomaaliya.

Comments are closed