Wasiirka Maaliyadda Dalka Kenya Ku Dhawaaqay War Ka Nixiyey Soomaali Badan Oo Sabab u Noqday Xayiraadda Xaawaladaha
Nairobi:Apirl,09,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Maaliyadda Dalka Kenya Kamau Thuge, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Xayiraadda ay saareen Xawaaladaha Soomaalidu dalkaas ku lahayd iyo hantida shakhsiyaad kale iska lahaayeen oo la xannibay.
Kamau Thuge, ayaa oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in sababta ka dambeysay xidhista Xawaaladahaasi ay tahay mid la xidhiidha xogo rasmi ah oo ay ka heleen Akoonada iyo dhaqdhaqaaqyada Xawaaladaha.
Kamau Thuge waxa uu ku dooday inaanay ku degdegin go’aankaasi, balse la sameeyey baadhitaaano lagu ogaaday Shaqsiyaadka iyo Xarumaha Xawaaladaha ee taageerada u fidiya Maleeshiyaadka Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in baadhitaanada aanay hada ku ekaan doonin balse ay sii socon doonaan, waxa uuna carabka ku dhuftay in Akoonada qaar ay ku arkeen dhaqaale xad dhaaf ah kaasi oo aanay awoodin xitaa inay bixiyaan Dowladaha.
Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in Xawaaladaha qaar ay si hoose u taakuleyn jireen Maleeshiyaadka Alshabaab, taasina ay tahay sababta rasmiga ah oo ay albaabada ugu laaben.
SDN/QJ