Wasiirka Maaliyada Somaliland oo ka Hadlay Dhaqaalaha Diiwaangelinta,iyo Doorashooyinka,Eedo uu u Jeediyay Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wada tashiga {Xog Waran Xiiso Leh DHAGAYSO}
Hargaysa 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay Dhawaqa ay Xisbiyada Mucaaridku ku sheegeen in doorashadu dib u dhacdo Isla markaana Iclaamiyeen in marka uu dhamaado Mudo Xileedka Madaxweyne Axmed Siilaanyo in la soo dhiso dawlad Wadaaga ah oo dalka gaadhsiisa doorasho.
Wasiirka maaliyadu Waxa uu Sharaxay Kulamo uu Maalmihii la soo dhaafay la yeeshay hay’adaha dawlada Isagoo Si gaar ha u soo Qaatay Kulan aan Weli dhamaan oo ay Wada yeesheen isaga iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka kaas oo uu Xusay inay kaga Wada hadleen Hawsha Diiwaangelinta iyo Doorashada.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO XOG WARANKAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirSamaale12A.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com