Wasiirka Maaliyada oo ka Xog waramay Waxqabadkii u hirgalay iyo Qorshahooda ku talo gal
Hargaysa 16.March (SDN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee JSL Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta u waramay Warbaahinta Dawladda ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yahiin Odoroskii Miisaaniyad sanadeedka Qaranka 2012 iyo hawlihii balaadhnaa ee wasaaradda u qabsoontay, halka sidoo kalena uu u mahad celiyey dhinacyadii la shaqeeyey wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada Somaliland iyo shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda.
Md Samaale waxa uu sheegay in miisaaniyad sanadeedkii qaranka ee 2012 oo ahayd 105 Milion oo Doolarka Maraykanka ay u qabsoontay sidii loo qorsheeyey, halka sidoo kalena uu ka rajeeyey inay hanaan dhamaystiran ku hirgasho miisaaniyadda Dawladda ee sanadkan 2013 oo dhan 180 Milion oo Doolarka Maraykanka, waxana uu ka dalbaday shacbiga Somaliland inay wasaaradda u garab galaan sidii ay u garab galeen sanadkii ina dhaafay, halka sidoo kalena uu ka dalbaday shaqaalaha wasaaradda inay u hawlgalaan si ka badan sidii ay u shaqeeyeen kal hore.
Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey arimaha muhiimka ah ee sanadkan lagu kordiyey miisaaniyadda Qaranka ayaa tilmaamay in ay ka mid yihiin Bixintii derejooyinka Ciidamada oo la fuliyey, Diiwaangelinta iyo tirokoobka dadweynaha Somaliland, iyo bedelaadda baasaboorka Somaliland oo laga dhigayo Nooca E Passport.
Dhanka kalena Md Samaale waxa uu warbixintiisa ku sheegay in sanadkan awoodda la saari doono dhiirrigelinta dalxiiska laguna kharash garayn doono dakhli faro badan si dhaqaale badani uga soo baxo, iyadoo hagaajinta waddooyinka iyo bilicda magaalooyinka ay wasaaradda maaliyaddu qayb ka qaadato.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com