|

Wasiirka Maaliyada Iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe Oo Digniin Ka Soo Saaray Qiimaha Sarrifka Doollarka Oo Cirka Isku Shareeray

Hargaysa 30. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Bangiga dhexe Cabdillaahi Xasan Aadan oo shalay Warbaahinta kula hadlay xarunta Baanka ee Hargeysa, ayaa ka hadlay Sarrifka Lacagta Doollarka oo qiimihiisu Cirka isku shareeray maalmihii u dambeeyey, isla markaana gaadhay qiimaha Halka Doollar siddeed kun (8,000) oo Lacagta Somaliland ah, waxaanay digniin u direen Sarriflayaasha.
wasiirka-maaliyadda-somaliland-iyo-agaasimaha-bangiga-dhexeWasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa digniin u dirtay Dadka ka ganacsada Sarrifka lacagaha, waxaanay ugu baaqday inay Sarrifka halkiisii ku soo celiyaan, isla markaana waxay sheegtay haddii ay suuroobi wayday inay Sarrifka halkiisii hore ee halka doollar ahaa toddobada kun iyo shanta boqol ee Lacagta Somaliland ah inay Xukuumad ahaan tallaabo cad ka qaadi doonaan cidda amarkaas ka hor-timaadda.
“Annagoo Safar Barriga ah ku maqnayn oo Abaaraha ah oo immika uu Roobkii bilaabmay oo uu meelo badan ka curtay, waxa dhacday in Sarrifkii Doollarku uu kor u kacay oo siddeed kun iyo dheeraad lagu Sarrifay halkii Doollar, Ummaddii aannu halkaa ku soo aragnay ee Mushaharka yar qaadanaysay ay Mushaharkii kor u hayaan oo uu waxba u goyn waayey.” Sidaa ayey tidhi Samsam.
Waxaanay Wasiir Samsam intaas ku ladhay; “Madaxweynaha oo aan la socday, waxa uu Madaxweynuhu amar igu siiyey inaan baanka ku hor dago oo aan kala hadlo dadka lacagta gacanta ku haya dollarka in ay u tudhaan umadda. Hadii ay u tudhi waayaana ay dawladdu masuul ka tahay sidaa loogu gurmaday abaaraha ee loogu xaytay in tana loogu xaydanayo, waayo ummadda waynu ilaalinaynaa haday kuwa miyiga jooga tahay iyo haday kuwa magaalada joogaba tahay. Waxa ka go’an dawladda in lacagta yare e ay wax ku iibsanayaan wax u goyn karto. Waxa aanu doonaynaa in aanu ka wada tashano dadka lacagta adagi gacanta ugu jirto ee dadkii ku dul baayacaya ee ka dilaalaya een abaar eegayn een waxba eegayn inay ummaddooda u tudhaan, hadii kale ay dawladdu go’aamo adag oo hadhowto aan ka farxin laga qaadan doono, hadii Illaahay yidhaahdo.”
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Cabdillaahi Axmed, waxaanu yidhi; “Haddii aan Askariga Jiidda hore joogaa uu Mushaharka uu qaataa uu waxba u tari waayo dee waa Mushkiladd. Immika waa wargelin, waxa loo sheegayaa dadka Sarrifka goysa in aanay dhaafinin heerka uu marayo, Shilinka Somaliland inuu qiimo yeesho ayaa ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Madaxda Baanka Dhexe-ba.”
Maaha markii u horraysay ee Sarrifka Doollarka marka lagu Sarrifayo Lacagta Shilinka Somaliland uu kor u kaco, hase-yeeshee waa mid soo noqnoqota maaddaama oo inta badan wax lagu kala iibsado lacagta Doollarka, iyadoo aan wax midho dhal ah laga haynin Guddi uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu magacaabay inay ka hawlgalaan wax ka qabashada qiimo-dhaca Shilinka Somaliland.

Comments are closed