|

Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Somalia oo ku Guuleestay in Qasnada Dowlada ku Xareeyo Lacago Si Hoose loo Xadi Jiray

Muqdisho 10. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa durba bilaabay isla xisaabtan si looga hortago in la musuq maasuqo lacagta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ka qaado ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada ayaa shalay Kormeer aan lasii shaacin ku tagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa uuna u kuur galayay sida canshuurta looga qaado jaadka kasoo dega garoonka .

Sida aan Wararka ku helnay wasiirka Maaliyada ayaa gacantiisa ku aruurinayay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado jaadka garoonka kasoo dega, waxa uuna Wasiirka gacantiisa ku aruuriyay lacag aad u badan oon waligeed horey uga soo xaroon canshuurta jaadka.

Mid ka mid ah ganacsatada Jaadka ayaa Warbaahinta u sheegay in Wasiirka uu gacantiisa ku qaadayay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado jaadka, waxa uuna tilmaamay ganacsadahan in Wasiirka gacantiisa ku dhaceen lacago badan oo si khaldan loo qaadan jiray.

 

Lacagta uu shalay ka aruuriyay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay aheed tii ugu badneed ee laga aruuriyo canshuurta jaadka, waxaana markii hore qasnada dowlada ku dhici jirtay lacag yar halka lacagta inteda badana si khaldan jeebab kale ugu dhici jirtay.

 

Masuuliyiintii iyo dadkii kale qaabilsana aruurinta lacaga canshuurta laga qaado jaadka ayaa waji gabax iyo ceeb shalay la kulmay, mana jiro ilaa hada tilaabo muuqata uu Wasiirka maaliyada ka qaaday dadkaasi ay ku cadaatay in ay sameyn jireen wax isdaba marin.

 

Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku shaqeeneysa isla xisaabtan dhab ah si meesha looga saaro musuq maasuqa la degay Hay’adaha dowlada, waxaana shacabka Soomaaliyeed ku booriyeen dowlada cusub in ay cirib tirto Musuq maasuqa dalka dib u dhigay.

Comments are closed